Gattuso oo guushii 3aad oo xiriir ah ka gaaray Serie A-da

0
Monday January 29, 2018 - 11:47:36 in Serie A by kubadbile news
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gattuso oo guushii 3aad oo xiriir ah ka gaaray Serie A-da

    Isiin,Milan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isiin,Milan.

Tababaraha cusub ee Kooxda AC Milan Gennaro Gattuso,ayaa guushii saddexaad oo xiriir ah xalay ka gaaray Horyaalka Dalka Talyaaniga,waxaana xalay uu gurigiisa dhibcaha uga tirsaday Kooxda ka dhisay Magaalada Rome ee Lazio.


Milan ayaa ku adkaatay 2-1 ,waxaana Goolasha ay ka kala heshay xiddiga kaha ah Patrick Cutrone iyo Giacomo Bonaventura, Milan ayeyna guushan uga dhigan tahay mid muhiim ah maaddaama ay ka adkaadeen mid ka mid ah kooxaha ugu adag xilli ciyaareedkan.



Horay waxaa ay min saddex dhibcood uga soo tirsatay Kooxaha kala ah Cagliari iyo Crotone,waxaana hadda ay ku jirtaa kaalinta 8aad iyada oo leh 31 dhibcood,halka kooxda hoggaamineysa ee Napoli leedahay 56 dhibcood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip