MASEYR: Ronaldo & Georgina colaad ayaa ka dhex hureysa, Rhian Sugden ayuu Saq dhexe Fariin u diray, muxuu dhaxlay?

0
Tuesday January 30, 2018 - 15:58:14 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MASEYR: Ronaldo & Georgina colaad ayaa ka dhex hureysa, Rhian Sugden ayuu Saq dhexe Fariin u diray, muxuu dhaxlay?

    Talaado--Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Madrid

Cristiano Ronaldo iyo Georgina Rodrigeuz ayaa u muuqda kuwo aan sidii hore isugu faraxsaneyn jeer uu laacibku Xaflad aad qaali u ah u qabtay 24 Gu’ Jirsiga Gacalisadiisa, waxa ugu badan ee la isku Maagayna waxay aheyd in uu Saqda dhexe Shukaansi dadban galay, sida ay tiri Gacalisadiisu maalinta dhalashadeeda ee Axaddii ay ku xuseysay Marbella.


Laacibka kooxda Real Madrid, ayey toddobaadka bartamihiisii ku eedeysay saaxiibtiis in uu Saqda dhexe Fariimo u diray gabadha dharka xayeysiisa ee Rhian Sugden, waxaa sidoo kale ay kasoo muuqatay Garabkiisa mar hore.



Booqashadii magaala xeebeedka Marbella waxaa ay aheyd mid Macaan, balse waxaa ku dheelayay in aysan labada Lammaane qabin Farxaddii looga bartay.


Lammaanaha ayaase waxay ahaayeen kuwo muujinayay xoogaa dhoolla caddeyn u muuqata Been Ronaldo, waa 32-jir, wey soo wada Casheeyeen, waxayna isu muujinayeen wejiyo aan aad u furneyn marka si Qota dheer loo fiiriyo.


Georgina, waxay dhashay gabar lagu magacaabay Alana Martina bishii November, waxay wejigeeda ku qarineysay Boorsada Garabka.


Si waliba, waxay sidatay Funaanad Madow ah, Surwaal Gaab jirka ku dheggan oo Jeenis ah, jilba Gashi kale oo isaguna madow, Kabo iyo Caagga yar ee Qoor xirka ah.


Cristiano ayaa sidoo kale joogay Xafladdeeda, isagoo leh Tintiisii Baliijku ka muuqday ee sida Kafeega u sameysneyd wuxuuna xirnaa Shaar Madow ah, Surwaal sida Jaanta ama Maqaar u dhigan oo madow iyo Boorso Gacan qaad Buluug ah oo Nuuca Kaararka ah.


Gudaha Baarka Cunnada Dareenkoodu aad ayuu u duwanaa, Cristiano ayaa u muuqday mid wax badan kala hadlay Georgina.


Wuxuuna xiddiggu u sheegay gacalisadiisa in aysan jirin wax badan oo xiriir ah oo uu la qeybsaday gabadha xayeysiiska ee Rhian in kastoo la arkay sida ay Giorgina sheegeyso Fariimaha uu dirayay.


 Cristiano Ronaldo and Georgina Rodriguez look glum as they arrive at a Marbella beach club

 Cristiano Ronaldo and Georgina Rodriguez were celebrating her 24th birthday

 Cristiano Ronaldo and Georgina Rodriguez looked tense over dinner after Rhian Sugden claims

 Cristiano Ronaldo appeared in a sombre mood as he left a Marbella beach club

 Cristiano Ronaldo was accused of sending late night messages to Rhian Sugden

 Engaged Rhian Sugden did not appreciate Cristiano Ronaldo's advances

 Rhian Sugden's fiance Oliver Mellor warned Cristiano Ronaldo off his missus

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip