RASMI: Chelsea oo soo bandhigtay Saxiixeeda cusub ee Emerson Palmieri

0
Wednesday January 31, 2018 - 08:37:00 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Chelsea oo soo bandhigtay Saxiixeeda cusub ee Emerson Palmieri

    Arbaco--London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco--London

Chelsea ayaa dhammeystirtay Saxiixa laacibka Emerson Palmieri oo ay kula soo wareegeen £25m. wuxuuna kasoo dhaqaaqay kooxda Roma waxayna kooxda Blues soo bandhigtay laacibkan.


Wiilkan oo 23-jir ah ayaa Sawirro lasoo qaaday waxay muujinayaa isagoo kor u heysta funaanadda Lambarka No.33-aad, kaasoo uu kooxda u wadan jiray difaacii hore ee dalka Brazil Alex, waxaana la taagan gabadha madaxda ka ah Blues ee Marina Granovskaia.



Kooxda horyaalka heysata ayaa isku dayday in Roma ay ku qanciso saxiixan in ay uga qaadato £17.6m balse dagaal badan keddib kooxda Stamford Bridge ayaa ku qasbanaatay in lacagta ay kordhiso.


Xiddiggii hore ee kooxda Santos ayaa waqti fiican ku qaadanayay kooxda Giallorossi wuxuuna hadda kasoo kabtay dhaawac kasoo gaaray, jilibka isagoo ka mid ah difaacyada ugu wanaagsan Europe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip