Hoggaamiye kooxeed ku biiray xiriirka Kubadda Cagta CAF!.

0
Saturday February 03, 2018 - 09:17:58 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye kooxeed ku biiray xiriirka Kubadda Cagta CAF!.

    Sabti,Morocco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Morocco

Patrice Edouard Ngaissona, oo horay u ahaa Hoggaamiye kooxeed ka tirsan Jabhadda Ani-Balaka ee Dalka DRC ayaa ka mid noqday guddiga ciyaaraha Afrika ee CAF.


Ninkan ayaa horay u sheegay in uu yahay isku xiraha arrimaha siyaasadda ee Kooxda Anti-balaka oo ah koox ka dagaallanta Dalka DRC.


Waxaa lagu doortay kulan Xubnaha CAF ay ku yeesheen Dalka Morocco,waxaana Ninkan uu beeniyay in uu galay gef ka dhan ah bani’adamka intii uu ka mid ahaa Jabhaddaas oo ah mid la dagaallanta Kooxda Muslminiinta ah ee Saleka lagu magacaabo.



Waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta DRC,sidoo kalena muddo yar ayuu noqday Wasiirka Ciyaaraha ee DRC,waxaase uu dib uga biiray kooxaha siyaasadda ee ku lugyeeshay xasuuqa badan ee ka dhacay dalka DRC.


Waxaa uu beeniyay heedaha hay’adaha xuquuqda aadanaha u jeediyeen isaga oo sheegay in uu isaga kaliya ahaa isku xire dhinaca siyaasadda hayeeshee uusan ku lug yeelan dagaalka socda.


Waxaa loo doortay wakiilka Guddiga ciyaaraha CAF ee Bartaha Afrika,waxaana doortay xubnaha guddiga fulinta ee Ururka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika ee CAF.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip