Horseed oo iska lumisay fursad qaali ah oo ay 17 sano kadib ku hanan lahayd horyaalka kubadda Gacanta dalka +Sawirro

0
Saturday February 03, 2018 - 19:17:19 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horseed oo iska lumisay fursad qaali ah oo ay 17 sano kadib ku hanan lahayd horyaalka kubadda Gacanta dalka +Sawirro

    Sabti- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Muqdisho


 

 

Kooxha Heegan iyo Horseed oo isaga horyimid mid kamida ciyaarihii ugu xiisaha badnaa tartanka horyaalka kubadda gacanta ee wiilasha ee xagaaga 2017- 2018.


labadan kooxood oo aad u xifaaltama ayaa inta aysan ciyaartu bilaaban kala heystay laba fursadood oo kala duwan.


Wiilasha Horseed oo kulankii lugta koowaad ee horyaalka ka adkaaday dhigooda Heegan ayaa kulankan u bahnaa ineey guuleystaaan ama ugu yaraan xitaa ay bar baro helaan si ay 17 sano kadib ugu guuleystaan Horyaalka kubadda gacanta ee dalka.



Halka wiilasha Heegan ay u furneed hal wado oo kaliya oo ah ineey guuleystaan maadama ay guul daro lasoo kulmeyn kulankii lugta koowaad.


kulan ciyaareedka dhex maray Kooxha Heegan iyo Horseed ayaa ku biloowday dar dar xoogan iyo farsamooyin cajiiba oo ay labada dhinacba soo bandhigeen.


Awooda ciyaareed ee labada kooxood oo u muuqatay mid isku dheeli tiran ayaa laga dheehan karay feejignaan iyo xisaabtan kubadeed.


Si kastaba kulan ciyaareedka dhex maray Kooxha Heegan iyo Horseed oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ugu dambeyn si dirqiya ku adkaatay kooxda Heegan oo la timid 17 gool halka Horseedna ay keensatay 16 gool.


Labada koox ayaa sidaas ugu dhammeystay horyaalkamin 27 dhibcood, waxayna guusha Heegan ay ka dhigan tahay Ineey labada kooxood markale ciyaari doonaan kulan kala baxa kaas oo lagu go,aamin doono kooxda ku guuleysan doonta horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda gacanta.


Cali Maxamed Aadan ( Cali Baraawiini ) ayaa dhaliyey gooldhaliyaha ugu sareeya ciyaarta , isagoo sasxiixay 6 gool, waxaana kusoo xigay Xuseen Cusmaan Maxamuud( Xuseen Basbaas) oo Hoseed u ciyaara kaasoo dhaliyey 5 gool.


W/D: Xabiib Axmed Cali 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip