Waa Sidee Xalaada Dhaawac Xidigga Kooxda Heegan Mahad Yare ?

0
Sunday February 04, 2018 - 12:51:09 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xalaada Dhaawac Xidigga Kooxda Heegan Mahad Yare ?

    Axad- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Muqdisho

 

Wararka ka imaanaya kooxda Heegan ayaa sheegaya in laacibkooda khadke dhexe ee Mahad yare ay war cusub kasoo baxay baaritaano caafimaad kadib.


 

Laacibkan ayuu dhaawac jilabka ah kasoo gaaray kulan kooxdiisa ay la ciyaartay dhigooda Banaadir Sports Club kaa oo qeyb ka ahaa Horyaalka Soomaliya Premier League.


 

Laacibkani ayaa shaley baaritaano caafimaad ku maray Isbitaalka Bisha Cas,waxana dhaqaatiirta ay sheegeen in wali lugtiisa barar uu ku jiro oo an wax jaawaab ah laga bixin karin haatan.



 

Sido kale Dhaqaatiirta ayaa sheegeyn in saddex maalmood kadib la soo celin doona markaa oo la saarayo scan oo lagu ogaanayo inta uu la egyahay dhaawaca jilibka ka gaaray.


 

Kubad abuurahan ayaa ah xubin muhiim ka ahaa kooxda Ciidanka Booliska ee Heegan,waxaana culeys weyn uu fuuli doono khadke dhexe kooxda.


 

Heegan ayaa 4 dhibcood ka keensatay labadi kulan ee u horeeyay horyaalka , Elman oo ay 4-1 kag adkaatay iyo barbaro 1-1 oo ayla gashay Banaadir SC.


 

Mahad ayaa dhaliyey goolkii afaraad ciyaartii ugu horeysay ee horyaalka ay laqaateen kooxda lagu naaneeso Jaalayaasha ee Elman .


 

Taageerayaasha kooxda Heegan ayaa ka walaacsan dhibaatada dhaawac ee soo gaaratay xidigooda kaas oo ilaa iyo hada war rasmi ah aan laga soo saarin heerka uu gaarsiisanyahay dhaawaca soo gaaray .


 

W/D Cabdifitaax Nani




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip