Dekedda vs Elman, Yuu Cali vs Cabdi Joon, 6 ciyaaryahan oo aan labada koox uga soo muuqan doonin kulanka, Waa kuwee ?

0
Monday February 05, 2018 - 10:53:41 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda vs Elman, Yuu Cali vs Cabdi Joon, 6 ciyaaryahan oo aan labada koox uga soo muuqan doonin kulanka, Waa kuwee ?

    Isniin- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Muqdisho

Waxaa garoonka Banaadir uu maanta Marti gelin doonaa kulanka ugu adag todobaadka saddexaad ee horyaalka kubadda Dalka( Somali Premier League 2017-18 ) kaasoo dhex mari doona laabda koox ee sida weyn u xafiltama Dekedda iyo Elman oo ay kala hogaamiyaan, Yuucali iyo Cabdi Joon oo ka mdi ah macallimiinta ugu fiican dalka.


 

Wararka labada Naadi:


Kooxda Elman ayaa dhaawacyo ku weyneysa xiddigaha kala ah Maxamuud Cabdinuur Meyman, Cali Xuseen Habareey, Maxamed Martial iyo Daafacii hore ee naadiga Waxool Liibaan Xasan Mukhtaar.



 

Naadiga Dekedda dhankeeda waxaa kulanka ka maqnaanaya Daauud Cabdullaahi Tubaal oo saddex kulan oo ganaax ah ay u bilaabaneyso, Cabdikariin Qubaaye oo tababarka kooxda ku dhaawacmay.


Dhanka kale Dekedda waxay dib u helaysaa Bile Bashiir oo ganaax laba kulan ah soo dhameystay diyaarna u ah kulankan adag.


Xogta Taariikheeda labada Macalin:


Dekedda oo horyaalka daafacaneysa ayaa kulanki u dambeeyay garab -dhac 1-1 lagashay Naadiga Gaadiidka, halka Elman ay 4-0 ugu soo awood sheegatay Naadiga Waxool.


 

Macalin Yuu Cali ayaa kulankiisi afaraad ka hor imaanaya Naadiga Elman , kadib markii uu katagay 15 january 2015, waxuuna ka kala kulmay 2 guul iyio 1 guuldaro oo ahayd Somali Super Cup 2017.


Macalin Cabdi Joon oo ayaa dhankiisa Dekedda ka hor tagaya kulankii saddexaad waxuuna la ciyaaray laba kulan oo mid ah oo ahaa lugtii labaad ee horyaalka oo ay 2-0 guusha ku raacday Dekedda, halka uu gacnata uga dhigay koobak Somali Spuer Cup 2017 ciyaar 1-0 kusoo idlaatay.


 

Faah faahinta ciyaarta:


Tartanka:-Somali Premier League 2017-2018

Todobaadka 3-aad

Kulanka 11-aad: - Dekedda VS Elman

Taariikhda:-05-02-2018

Garoonka:-Banaadir

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip