Real Madrid oo kaalinta 6-aad ka gashay kooxaha Faa'iidada helay ee Yurub, xagey Joogaan kooxaha kale?

0
Thursday February 08, 2018 - 02:12:35 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo kaalinta 6-aad ka gashay kooxaha Faa'iidada helay ee Yurub, xagey Joogaan kooxaha kale?

    Khamiis--Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Barcelona

Warbixin ay daabaceen koox la socota dhaqaalaha kooxaha Europe, waxay sheegtay in Real Madrid ay markan kaalinta 6aad ka gashay kooxaha Faa’iidada kasoo xareeya Suuqa kala qaadashada.


Warbixintaan ayaa ku saabsan 2-dii suuq ee lasoo dhaafay iyo faa’iidada koox walba ay ka sameysay.


Sida ay sheegeyso CIES Football Observatory, Real waxay gacanta ku dhigtay 47 milyan oo faa’iido ah, halka Barcelona ay heshay lacag dhan170m oo Yuuro.



Monaco waa kooxda ugu Fa’iidada badan labadii Suuq ee lasoo dhaafay kooxaha Yurub, waxayna bixiyeen130m oo Yuuro waxaana soo gashay lacag dhan 416m oo iibka xiddigaheeda kasoo gashay, waxayna Faa’iido ahaan kor u heystaan 286m oo Yuuro.


Kooxaha reer Spain waxay kasoo muuqdeen 15-ka sare Athletic (+30m Yuuro), Real Sociedad iyo Malaga (Min +23m Yuuro Faa’iido ah).


Haddii isu geynta qarash iyo Dakhli la eego Paris Saint-Germain waa kooxda ugu qarash gareynta badan.


Kooxdaas ayaa bixisay 418m euro waxaama soo gashay kaliya 107m, taasoo la macno ah in -311m ay Qarash gareyntu ka badantahay Dakhliga.


Manchester City waa kooxda ugu soo dhow marka PSG laga yimaado -246m euro ayey bixiyeen Manchester United waa kooxda seddaxaad -186m ayey gashay labadii suuq ee lasoo dhaafay.


Barcelona waa kaalinta 5aad, waxayna maalgelin ahaan u isticmaashay lacag dhan 414m iyadoo xiddigaheeda ka heshay 244m euro waxaana ay dheeri isticmaashay (-170m).

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip