Horseed oo Hoggaanka u Qabatay Horyaalka Somalia Premier league

0
Thursday February 08, 2018 - 20:39:02 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horseed oo Hoggaanka u Qabatay Horyaalka Somalia Premier league

    Khamiis--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Muqdisho

Kooxda Horseed ayaa waxay Guul aad u weyn ka gaartay naadiga Batroolka, kulan ka tirsan Horyaalka Kubadda Cagta oo ka dhacay Garoonka Koonis ee Magaalada Muqdisho.


Naadiga Horseed ayaa dhalisay goolal dhan 5 gool, iyadoo 1 kaliyana laga dhaliyay kulanka xiisaha badnaa ee galabta dhacay.


Xasan Cabdinuur Geesey Xasaasi ayaa dhaliyay Goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda Horseed, sidoo kalena wuxuu 3-leey ka dhaliyay kulanka Maanta Laacibkii hore ee Naadiga Jeenyo.



Frank Wananda iyo Laacibka Direey ayaana kooxdan u dhaliyay goolasha kale ee kulankan laga dhaliyay.


Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa dhaliyay 1-ka Gool ee kooxda Batroolka ay kulankan ka dhalisay, iyadoo Goolhayaha naadiga Horseed uu badbaadiyay Rigooradii Labaad kulamo 3 ah oo uu safka ugu jiro kooxdaas, waxaana la xasuustaa in uu horay uga badbadiyay Rigoore laacibka Daadir Amiin oo ah Kabtanka kooxda Banaadir Sports Club.


Horseed ayaa horyaalka ku hoggaamineysa 7 dhibcood, in kastoo ay dhibacahaas wadaagaan kooxda Dekadda, haddana waxay ku faanayaan Goolasha ay dhaliyeen kulankan oo u sahlay in ay hoggaanka horyaalka hayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip