Koox ka dhisan horyaalka England oo Chelsea ku Garaaceysa Qaadashada Tababare Enrique

0
Saturday February 10, 2018 - 00:04:15 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox ka dhisan horyaalka England oo Chelsea ku Garaaceysa Qaadashada Tababare Enrique

    Sabti--London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti--London

Chelsea waxaa lagu garaaci doonaa soo qaadashada macallinkii hore ee Barcelona Luis Enrique.


Joornaalka kasoo baxa Spain ee Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Gunners madaxdeedu isku deyi doonaan in ay beddelaan Arsene Wenger oo Mustaqbalkiisa garoonka Emirates uusan hadda wanaagsaneyn.


Waxaa laga warqabaa in Chelsea ay maalmihii dambe aad u baacsaneysay Enrique, kaasoo sheegaya in uu doonayo Nasiino sanad ah, keddib markii uu xagaagii hore uun ka dhaqaaqay kooxda Barcelona.



Macallinkaan ayaa sida ugu xooggan loola xiriirinayay in uu beddelo shaqada Antonio Conte iyadoo la ogyahay hannaankiisii hoggaaminta ee kooxda La Liga.


Si waliba, waxaa la leeyahay hadda Arsenal ayaa soo Afjari doonta damaca Enrique ee Blues, markii ay xiriir toos ah la sameeyeen macallinkaas.


Waxay ku beddeli doonaan Wenger oo ah macallinka Waqtiga ugu dheer ka shaqeynayay horyaalka England.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip