Xiddigaha aan xiriirkoodu go'in yaa ka mid ah?

0
Saturday February 10, 2018 - 09:07:53 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigaha aan xiriirkoodu go'in yaa ka mid ah?

    Sabti,Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Barcelona

Marka lagu jiro Kubadda Cagta waxaa jira Xiddigo iska xiga Ciyaartooyda kale,kuwaas oo is hoose isaga war qaba.


Xitaa haddii ay kala tagaan,waxaa ay leeyihiin xiriir joogto ah oo aan dhamaad lahayn,waxaa ay noqon karaan isku dal ama kala dal oo ay dan wadaaynimo isu keentay.


Haddaba yaa ka mid ah xiddigaha ugu badan ee kala maqan ama isla jooga ee taleefanka ku wada xiriira?


Dwight Yorke & Andy Cole (Manchester United)



Markii ugu horreeysay ee ay kulmaan waxaa ay ahayd horaantii 1998-99kii, labada xiddig waxaa ay Man U xilli ciyaareedkaas ka caawiyeen in ay ku guuleysato saddex Koob,iyada oo uu maamulayay Sir Alex Ferguson,waxaa ay ka mid ahaayeen xiddigaha waligoodba xiriirka joogtada lahaa.


Fernando Morientes & Raul (Real Madrid & Spain)


Dhamaadka qarnigii 20aad, Fernando Morientes iyo Raul,waxaa ay ahaayeen weeraryahannada loogu cabsi badnaa qaaradda Europe.


Waxaa ay ahaayeen rag xiriir wanaagsan leh muddana wada socday,iyaga oo iska jeclaa dadka kale.


Xavi & Andres Iniesta (Barcelona & Spain)


Xavi & Andres Iniesta,iyaga oo wada jooga waxaa ay wadajir ugu guuleysteen 4 Champions League, waa ay ku qaadeen Kooxda Barcelona,sidoo jale horyaalka ayey waxbadan wada qaadeen,si la mid ah 2010kii xulkooda Spain waxaa ay ku hoggaamiyeen KKoobkii Kubadda Cagta Adduunka ee ka dhacay Koofur Afrika.


Xavi,waxaa uu qabtay Dalka Qadar,halka saaxiibkii wali jooga Barcelona,waxaana ay yihiin rag aad u xiriira ilaa hadda.


Mesut Ozil & Cristiano Ronaldo (Real Madrid)


Ozil iyo CR7,waxaa ay saaxiibo dhow ku noqdeen Real Madrid,inkasta oo uu Ozil ka tagay Real haddana Ronaldo waxaa uu baaqi ku yahay Real Madrid,laakiin taas meesha kama saarin xiriirka labada Ciyaaryan ee u kala dhashay Portugal iyo Germany.


Ruud Gullit & Marco van Basten (AC Milan & Netherlands)


Ruud Gullit, Marco van Basten iyo Frank Rijkaard oo isku dal ah waxaa AC Milan ay la wareegtay Sanadkii 1987 taas waxaa ay Kooxda ka caawisay in ay guulo muhiim ah ka gaarto Serie A-da Talyaaniga.


 

 

Frank Lampard & Didier Drogba (Chelsea).


Labada Xiddig ee u kala dhashay England iyo Ivory Coast waxaa ay Kooxda Chelsea la kowsadeen xilligeeda lagu tilmaamo casriga,waa marka uu iibsaday Ninka saliidda ka hodmay ee Reer Ruush , Roman Abramovich.


Waxaa ay bog gaar ah uga qoranyihiin diiwaanka Chelsea ee Halyeeyada,waxaana iyaga oo wada jooga ku guuleysteen Champion-ka kaliya ee Kooxda ay heysato Sanadkii 2012kii.


Didier Drogba,waxaa uu noqday Milkiile kooxeed,inkasta oo uu wali ciyaaro halka Lampard uu wariye falanqeeya Ciyaaraha noqday haddana waa rag iska warhaya.


Alfredo Di Stefano & Ferenc Puskas (Real Madrid)


Labadan xiddig waxaa ay Kooxda cad cadka ku kulmeen iyaga oo ku jira da’da 30aadka,waxaana ay Real ka caawiyeen in ay hanato Horyaalkii European League ee hadda loo bixiyay Champions league,sanadkii 1959-60 ayey wadajir u qaadeen.


Labada Nin waxaa ay wadaageen 7 gool oo kalnkii Finalka ay ka dhaliyeen Kooxdii Eintract Frankfurt,ciyaarta kama dambeysta ee Real Koobka ku hanatayna waxaa ay ka dhacday Scotland..

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip