Kane iyo Aubameyang yaa noqon doona Boqorka Waqooyiga London?

0
Saturday February 10, 2018 - 09:13:48 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kane iyo Aubameyang yaa noqon doona Boqorka Waqooyiga London?

    Sabti,London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,London

Kulan ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan Dalka Ingiriiska ayaa galabta xilli hore dhexmaraya Kooxaha Tottenhan iyo Arsenal ee Dalka Ingiriiska .


Labada Kooxood ayaa xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay aad u xifaaltamayay waxaana Kooxda Tottenham ay ku soo baxday koox dharbaaxsho lama filaan ah u geysata Kooxaha waaweyn ee Horyaallada Europe iyo Ingriiskuba.


Labadan Kooxood waa deris,waxaa ay ka wada dhisanyihiin Waqooyiga London,inta badan taageerayaashooda ayaa aad isu garaaca,waxaana Dowladda uga baxa boolis iyo waqti badan oo kala ilaalin ah.



Haddaba waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Xiddigga dhawaan galka ah ee Arsenal ka soo qaadatay Kooxda Dortmund ee Bundesligaha Dalka Germany iyo weeraryahanka ay boqortooyada Europe ee Real Madrid isha ku heyso ee Harry Kane.


Labadan Xiddig ayaa galabta isku wajahaya Garoonka Wembley,waxaana laga wada sugayaa marka ay garoonka ku soo wada billowdaan iyo waliba kii noqon lahaa boqorka Waqooyiga London.


Kane waxaa uu 35 gool ku dhaliyay 36 kulan oo uu u saftay Kooxda Tottenham,halka Aubameyang oo ku cusub Kooxda Arsenal uu hal gool u dhaliyay kulan ay 5-1 ku xaaqeen Kooxda Everton.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip