Zidabe oo sheegay in been laga faafiyay Isco

0
Saturday February 10, 2018 - 09:17:16 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zidabe oo sheegay in been laga faafiyay Isco

    Sabti,Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Madrid

Tababaraha Reer France ee Kooxda Real Madrid ayaa beeniyay war ay baahisay Jariiradda Ciyaaraha ee El Chiringuito oo sheegayay in mustaqbalka Isco ee Real Madrid uu dhamaaday.


Jariiraddan ayaa sheegtay in Zidane laga soo xigtay hadalkan,waxaana ay ku sheegtay in Madrid aysan heshiis cusub u heyn Isco maaddaama uu ka soo bixi waayay kaalintii ay u qaadatay Kooxda.


Zidane ayaa hadalkan ku tilmaamay been abuur aan meel heysan,waxaa uu intaas ku daray in Isco yahay mid ka mid ah xiddigaha Mustaqbalka wanaagsan ku leh Kooxda Real Madrid,isagana laga been abuuray.



Zidane ayaa yiri "maanta waxaad I weydiineysaa wax ku saabsan Isco,berri waxaad I weydiineysaa Marco Asensio ,maalinta xigtana Dani Ceballos”.


"Waxaas wax soconaya ma’aha waana been abuur,waxaan doonayaa in aan iraahdo hadalkaas waa uu u dhibayaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Macallin Zinedine Zidane.


Isco ayaa 14 kualn xilli ciyaareedkan u saftay Kooxda Real Madrid,kuwaas oo labo ka mid ah ay ka mid ahaayeen kaddib dib u billaabashada Laliga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip