Arsenal oo u muuqata mid ka rajo dhigtay 4-ta sare ee Horyaalka, markii ay ku jabtay kulankii Spurs

0
Saturday February 10, 2018 - 18:23:33 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo u muuqata mid ka rajo dhigtay 4-ta sare ee Horyaalka, markii ay ku jabtay kulankii Spurs

    Sabti--London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti--London

Harry Kane ayaa ka sameeyay rikoodh kale kulanka North London derby markii Tottenham ay guul muhiim ah ka gaartay Arsenal kana sii lumisay Rajadeedii 4-ta sare ay uga mid noqon laheyd.


Kane ayaa madaxa ku dhaliyay qeybta labaad goolka ay Tottenham ku badisay kulankii Wembley iyadoo uu dhaliyay goolkiisii 7-aad ee kulamada North London derby.



Tottenham 4-ta sare in ay kasii mid ahaato waa mid caqabad kale ku ah Arsenal 7 dhibcood ayeyna ka hooseysaa kooxda maanta ka adkaatay ee ay ka wada dhisanyihiin Waqooyiga London rajada usoo gudubka Champions League waxay noqon doontaa mid lunta Sanadkii 2aad oo is xiga.


Arsenal shabaq ilaaliyaheeda Petr Cech ayaa sidoo kale goolal badan ka badbaadiyay xiddigaha Tottenham oo guul taariikhi ah kulanka ka gaari laheyd.


Mauricio Pochettino wiilashiisa ayaana si fiican gacanta ugu qaaday Arsenal, iyadoo Tottenham ay hadda ka sarreyso kooxaha Liverpool iyo Chelsea, waxayna leedahay 52 dhibcood, halka Liverpool ay heysato 51, Chelsea ayaa leh 50 dhibcood, in kastoo labada kooxood ay weli heystaan min kulan dheeri ah.


Kane ayaa dhankiisa wuxuu gooldhalinta horyaalka 2 gool uga sarreeyaa laacibka Liverpool ee Mohamed Salah, kaasoo kulan uu isagana u harsanyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip