Cristiano Ronaldo oo maamulka kooxiisa ka dalbaday ineey lasoo wareegaan shan ciyaryahan waa kuwee?

0
Saturday February 10, 2018 - 19:38:23 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo oo maamulka kooxiisa ka dalbaday ineey lasoo wareegaan shan ciyaryahan waa kuwee?

    Sabti- Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Madrid



Sida lagu qoaray wargeyska Diario Gol ee kasoo baxa dalka Spain Hogaamiyaha kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa u bidhaamiyey magacyada shan ciyaaryahan oo uu jeclaan lahaa in kooxda lagu soo biiriyo si ay dib ugu soo noqoto awoodii ciyaareed ee kooxda Los Blancos.


Kabtanka xulkaPortugal oo dhawaan kulan wadatashiya la yeeshay madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ka codsaday ineey kooxdu soo iibsato ciyaaryahanada kala ah Leonardo Bonucci, Alvaro Odriozola , Marquinhos iyo mid kamida labada gool haye ee kala ahDavid De Gea iyo Thibaut Courtois.



Ronaldo ayaa aaminsan in kooxdiisu ay baahi weyn u qabto dhammaan ciyaarta uu farta ku fiiqay kuwaas oo uu rumeysanyahay ineey kooxda wax badan soo kordhin karaan hadii ay soo iibsato.


kooxda Real Madrid oo 33 jeer hanatay horyaalka Spain ayaa xagaagan ku jirta xaalad adag waxeyna fadhisaa kaalinta Afaraad ee horyaalka Spain iyadoo 19 dhibcood ka hooseysa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Barcelona.


W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip