Gianluigi Buffon oo noqday ciyaaryahankii labaad ee 500 Shan Boqol oo kulan u safta kooxdiisa Juventus

0
Saturday February 10, 2018 - 19:54:13 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gianluigi Buffon oo noqday ciyaaryahankii labaad ee 500 Shan Boqol oo kulan u safta kooxdiisa Juventus

    Sabti- Torino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Torino


Buffon oo 40 jira ayaa xalay kusoo biloowday kulankii adkaa ee kooxdiisa Juve ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Fiorentina.


kulan ciyaareedkan ayaa muhiimad gooniya u lahaa goolhaye Gianluigi Buffon maadaama uu ahaa kulankiisii Shan boqolaad ee uu horyaalka talyaaniga u safto kooxdiisa Juventus iyo kulankiisii 641-aad ee uu guud ahaan kooxdiisa usafto.


"Gigi" Buffon ayaa hada nasiib u yeeshay inuu noqdo ciyaaryahankii labaad ee Shan Boqol oo kulan horyaalka talyaaniga u saftakooxda Juventus marka laga soo tago halyeey Alessandro Del Piero kaas oo saftay 513 kulan.



Tababaraha kooxda JuveMassimiliano Allegri iyo dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa ayaa bogaadiyey goolhaye Gianluigi Buffon waxeyna ku tilmaameyn Geesi aan daalin oo ku dayasho mudan.


"Gigi" Buffon ayaa kamida xidigaha taariiqda dheer ku leh kooxda Juve wuxuuna kusoo biiray sanadkii 2001 oo hada laga joogo 17 sanadood isagoo guud ahaan kooxda kula guuleystay 19 koob.


W/D: Xabiib Axmed Cali 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip