Falanqeynta: Newcastle vs Man United: Jose oo u safri doono garoon uu aad u neceb yahay inuu ku ciyaaro

0
Sunday February 11, 2018 - 02:30:02 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta: Newcastle vs Man United: Jose oo u safri doono garoon uu aad u neceb yahay inuu ku ciyaaro

    Axad- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- England




Kooxda Manchester  United ayaa u safri doonta garoonka St. James Park    oo ah garoonka    ay  kulamo lagu xaqiijinayo horyaalka kula loolami jirtay kooxda Newcastle oo uu hogaaminayay      Kevin Keegan, basle waxay  hadda booqaneysa xilli ay kooxda   dhawaan   dib ugu soo laabatay horyaaalka   dagaalna ugu jirta sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahayd.







Jose iyo Kooxdiisa  ayaa doonaya  in ay  ilaashaadaan  booskooda labaad isla markaana  ay  xoogga sii saaran sidii ay   Man City usoo yaren lahyad dhbcaha ay ku hogaamineyso  horyaalka.







Newcastle  United ayaa dhankeeda  beegsaneysa  in ay uga soo fogaato diilinta gaduudan ee loogu laabanay heerk alabaad waxayna  hadda kujirtaa kaalinta  16-aad kaliya hal dhibic ayeyna u jirtaa  qatartaas.




Faahfaahinta Kulanka.

Kulanka: Newcastle United vs Man United

Tartanka: Premier League

Saacadda 5:15 Galabnimo PM

Garoonka: St. James Park

Garsooraha: Craig Pawson



WARARKA LABADA NAADI:





Rafeal  Benitez ayaa go'aan ka gaaray xaalada  weeraryahanka Islam Slimani ka hor kulanka maanta ee ay la ciyaarayaan Manchester United.

Laacibkan   ayaa amaah uga soo biiray kooxda Leicester waxaana   soo gaaray dhaawac dhanka  bowdada ah, waloow uu tababarkala qaatay kooxdiisa  qaatay, sshaki aya ala gelinayaa taam ahaanshahiisa.


 Ciaran Clark oo dhaawac jilibka qabay iyo Mohamed Diame ayaa diyaar u  ah kulankan ineey ciyaaraan , laakiin daafaca buuxa ee Jesus Gamez oo canqawga ka dhaawacan ayaa  la safan doonin ciyaartan 




Dhanka United , Zlatan Ibrahimovic ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda labo maalmood ka hor, laakiin weeraryahanka reer Sweden ayaan diyaar u noqon doonin kulankan.



36 -jirkaan ayaa la siiyay heshiis cusub oo hal sanno ah ka dib markii uu si fantastik ah uga soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo bishii April soo gaaray, lakiin waxa uu u ciyaaray kaliya todobo kulan ka hor inta uusan dhaawac kale oo jilibka ah  la kulmin.

Waxaa kulankaan Man United ka maqnaan doono Eric Bailly oo canqawga ka dhaawacan Daley Blind iyo Marouane Fellaini  oo dhaawac Jilibka ah Qawo.Waxaa shaki la gelinayaa xaalada Rashford iyo Jones kuwaas oo aan la shaacin dhaawac yada soo gaaray.




Xaqiijooyinka 





Newcastle ayaa badisay labo ka mid ah 28kii kulan ee ugu danbeysay  Premier League ee ay la ciyaareen Man United (7 Bareejo 19 kulana waa laga badiyay) wax guul ahna ma gaarin lixdii kulan ugu dambeesay oo ay ciyaaren.


Kulankan wuxuu  noqon doonaa kulankii 200 aad ee Newcastle ciyaarto maalin Axad ah kaliya kooxaha Tottenham Hotspur (79), Liverpool iyo Everton (72 kulan ah)ayaa ka badan waxana ay ciyaartay (70) kulan.



Jose Mourinho lix kulan  uu booqday  garoonka St. James 'Parkguul kama soo helin  3 barbaro iyo 3 guuldaro
 3 bareejo, 3 kalana waa laga badiyay ) halka  United  guul ay ku gaartay  Premier Leagur garoonka St. James 'Park, in ka badan Kooxaha kale(12 Jeer ayee ku badiyeen).



Romelu Lukaku ayaa celcelis ahaan gool  dhalinayey  ama caawinaayay 65 daqiiqo  kasta oo uu ka hor tagay Newcastle horyaalka 6 gool wuu ka dhaliyay 4 kalena cawiye ayuu ka noqday.



Man United ayaa badisay 9 kulan oo ka mid ah 13-ki kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay  kooxda Newcastle kana dhacday garoonka St James Park.



W/D Maankiz



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip