De Bruyne oo go'aamiyay halka uu xirfaddiisa KC-ta ku soo afjarayo,xaggee?

0
Sunday February 11, 2018 - 12:01:28 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    De Bruyne oo go'aamiyay halka uu xirfaddiisa KC-ta ku soo afjarayo,xaggee?

    Axad, Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad, Manchester

Xiddigga aadka cajiibka u ah sanadahan ee xulka Belgium-ka iyo Kooxda Man City ayaa shaaca ka qaaday halka ugu dambeysa ee uu jecelyahay in uu ku soo gaba gabeeyo xirfaddiisa kubadda Cagta.


Patrick De Koster, oo ah wakiilka 26jirka Reer Belgium ayaa sheegay in De Bruyne uu jecelyahay in xirfaddiisa kubadda cagta ku soo xiro dalka Mareykanka,halkaas oo sanadihii la soo dhaafay Ciyaartooy waaweyn ay mihnaddooda kubadeed ku soo gaba gabeeyeen.



De Bruyne ayaa Man City ku biiray Sanadkii 2015kii waxaana uu kaga biiray Kooxda Wolfsburg ee Dalka Germany ,xiddigan ayaa dhawaan saxiixay heshiis Garoonka Etihad ku heynaya ilaa 2023-ka.


Xiddigan waxaa uu aad u jecelyahay Magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka waxaana uu doonayaa in uu u ciyaaro koox ka tirsan Horyaalka MLS-ka dalka Mareykanka oo uusan wali shaacin.


Wakiilka xiddigan ayaa shaaciyay in uu hayo codsiyo badan oo kaaxa Dalka China ay ku doonayaan xiddigan hayeeshee aysan u muuqan in Ninkan uusan marna ku hamineyn in uu China ka ciyaaro.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip