Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka oo doortay madaxweyne cusub.

0
Sunday February 11, 2018 - 12:09:24 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka oo doortay madaxweyne cusub.

    Axad, Washingnton

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad, Washingnton

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Mareykanka ayaa doortay madaxweyne cusub,kaas oo looga fadhiyo in uu dib u soo abuuro Kooxdii qaranka iyo xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka,kaddib markii uu xulka wiilasha ku fashilmay in uu koobka adduunka ee sanadkan ka dhacaya Ruushka u soo baxo.


Carlos Cordeiro,ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka kaas oo 68% helay codadkii la dhiibtay doorashadii shalay ka dhacday Mareykanka.



Guddoomiyaha cusub ayaa ka soo dhexbaxay 8 musharrax oo xilkan isu soo taagtay,waxaana ka mid ahaa madaxweynaha hadda talada wareejinaya ee Kathy Carter.


Musharrixiinta kale ee tartamay waxaa ka mid ahaa ciyaartooy horay ugu soo ciyaartay qaranka Mareykanka iyo qareenno kuwaas oo ay ka midyihiin; Paul Caligiuri, Kyle Martino, and Eric Wynalda, lawyers Steve Gans iyo Michael Winograd.


Mareykanka, Mexico iyo Canada,waxaa ay wadajir ugu tartamayaan in ay marti geliyaan koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Sanadka 2026ka,iyada ooh al magac la siinayo kaas oo noqonaya Marti geliyayaasha Waqooyiga Amerika.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip