Jeenyo iyo Dekadda oo galabta ku dagaallamaya horyaalka SPL.

0
Monday February 12, 2018 - 15:22:31 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeenyo iyo Dekadda oo galabta ku dagaallamaya horyaalka SPL.

    Isniin,Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin,Muqdisho

 

Kooxaha heerka 1aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya ee LL PP Jeenyo iyo Kooxda Dekadda oo horyaalka difaacaneysa ayaa galabta ku kulmaya Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho.


Labada kooxood ayaa midkasta todobaadkii hore guul dirqi ah soo gaartay iyaga oo min 1-0 ku soo kala badiyay.


Kooxda Dekadda ayaa natiijo guul oo dirqi ah kaga adkaatay Naadiga Elman,kulan ay guul ku gaartay 1-0,halka LL PP Jeenyo ay guul taas la mid ah kaga badisay Naadiga Gaadiidka.



Dekadda waxaa ay dooneysaa in ay horyaalka kala wareegto kooxda Horseed oo farqiga goolasha uga heysa,halka Jeenyo ay dooneyso in hoggaanka horyaalka ay ku qabato 8 dhibcood maaddaama hadda ay leedajay shan dhibcood Horseed iyo Dekaddana wadaagaan min 7 dhibcood.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip