FALANQEYN: Real Madrid vs PSG, Neymar iyo Alves oo kusoo Laabanaya Spain, Yaa Maqan dhaawac & Ganaaxba?

0
Wednesday February 14, 2018 - 08:33:03 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FALANQEYN: Real Madrid vs PSG, Neymar iyo Alves oo kusoo Laabanaya Spain, Yaa Maqan dhaawac & Ganaaxba?

    Arbaco- Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Madrid


Kulan xiiso leh oo ka tirsan koobka Kooxaha Yurub ayaa dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo PSG, ciyaartaas waxay ka dhici doontaa Caasimadda Spain.


PSG ayaa sanadkan dooneysa in ay koobka qaaddo, sababtoo ah aad ayey Qarash suuqa u gelisay sidoo kalena Taariikhda ma aysan qaadin oo rikoodhkaas foosha xun ayey dooneysaa in ay iska soo dhaqdo, halka kooxda Real Madrid ay dooneyso in ay markii 3-aad oo xiriir ah koobkan ku guuleysato.



Wararka labada Naadi


Real Madrid : Daniel Carvajal ayaa ligtan ka ganaaxan Real taasoo madax xanuun ku noqoneysa tababare Zinedine Zidane maadaama uu booskaas PSG uga dheelo Neymar oo qatartiisa leh, Nacho ayaa Achraf Hakimi kaga horeeyay buuxinta booska Carvajal.


Casemiro ayaa todobaadkan loo nasiyay safka hore ayuuna kusoo bilaaban doona , sidoo kale Gareth Bale ayaa isna dheeli doona kulankan.


Paris Saint Germain:


Edinson Cavani todobaadkan uma safan kooxdiisa waxayse noqon doonta layaab hadii uu dhaawac ku seegokulanta lugta koowaad ee Madrid ka dhacaya.


Thiago Silva, Marco Verratti iyo Layvin Kurzawa ayaa dhammaan la rajeynayaa in ay kooxda Martida usoo laaban doonaan kadib markii ay todobaadkan banana jog ay ka ahaayeen kooxdooda.


Dani Alves iyo Thomas Meunier ayaa ku tartami doona booska daafaca dambe ee garabkak midig, halka Angel di Maria oo keydka kasoo muuqan doono.


Giovani Lo Celso ayuu booskiisa qadka dhexe u badbaaday maadaama uusan Thiago Motta u safrin Madrid.


Xogta taariikheedka Labada koox :


Real iyo Paris ayaa horey tartanka ugu kulmay 6 jeer min 2 guul ayeey kala qaateen halka labada kulan ee kale ay barbaro ku dhameysteen.


Madrid waa Caasimadda Spain waxaana yaala 12 koob oo tartanka kooxaha Horyaalada Yurub, Halka Paris oo caasimadda Faransiiska ay maran tahay marka loo fiiryo koobkan, xitaa maysan imaan fiinaalka tartankan.


Real ayaa 12-ka koob,lix kamid ah ku guuleystay ka hor Curashada Paris oo la aas aasay 1970, lixdakale waxay hanatay 20 sonao ee lasoo dhaaafay oo ay Paris diiwaanka ugu jiro kaliya hal semikaasoo ah 1994-95 oo ay Milan reebtay.


SAFAFKA LABADA NAADI IYO XIDDIGAHA MAQAN


Safka Real Madrid: Navas; Nacho, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modrić; Bale, Ronaldo, Benzema

Maqan: Carvajal (ganaax ), Vallejo (feelroor)

Soo kabasho: Ceballos (canqawga)

Safka PSG: Areola; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Berchiche; Verratti, Diarra, Rabiot; Mbappé, Cavani, Neymar

Maqan: Motta (xanuun)

Soo kabasho: Kurzawa (thigh)

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip