Falanqeynta : Porto vs Liverpool, Reds-ka ma ilaashan bandhigeeda wanaagsan ee Lispon ?

0
Wednesday February 14, 2018 - 11:10:22 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta : Porto vs Liverpool, Reds-ka ma ilaashan bandhigeeda wanaagsan ee Lispon ?

    Arbaco- Lispon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Lispon


 

Kooxda Liverpool ayaa u safreysa magaalada Lispon ee Caasimadda Portugal halkaas oo ay kulanka lugta koowaad wareega 16-ka koobka horyaalada Yurub kula ciyaari doonto kooxda Porto.


Liverpool ayaa todobaadka horyaalka kasoo gashay kaalinta saddexaad waxayna kaliya u tartmayesaa koobka Horyaalada yurub oo ah fursada ugu weyn ee ay haysato.


 

 

Tababare Jurgen Klopp ayaa heysata saf ka weerar ee ugu fiican kooxaha qaaaradda Yurub,



kadib markii ay dhaliyeen 23 gool, waxaana ka fiican oo kaliya kooxda Paris


 

Roberto Firmino ayaa diyaar u ah inuu FC Porto ku wajaho wareegan waloow shaki la gelinayo inuu safto.


 

Waa marki u horeysay oo ay Liverpool ku ciyaareyso garoonka Estadio do Dragao ayaa noqon doona tan iyo xilli ciyaaredki 2008-09.


 

Liverpool ayaa 23 gool ka dhalisay wareega Group-ka oo ay kaalinta koowaad waxaana ka bdan kooxda PSG oo dhalisay 25 gool.


 

Loris Karius oo goolka u qabta Liverpool ayaa markale kusoo bilaaban kara isagoo ka faa’iideysan kara goolhayahareer Belgium Simon Mignolet oo bandhig liita kujira.


 

Laciibka qadka dhexe Emre Can ayaa ganaax ku maqan, halka daafaca Joe Gomez uu la safray kooxdiisa ka dib markii uu dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.


Daafaca 75 milyan ee ginni ugu soo biiray Liverpool Virgil van Dijk ayaa u muuqda mid kulankiisii ugu horeyay Yurub u ciyaari kara Liverpool Caawa.


 

Xaqiijooyinka Kulanka:

 

 

Kooxda Liverpool ayaan laga adkaan 4 jeer oo ay ku wajahyday ciyaaray tartamada oo dhan kooxda Porto, Labadii kulan ee Portugal ay kusoo ciyaartay waxa ku dhameysatay barbaro.


 

Kulankoodii ugu dambeeyay ee kulamada isreebreebka tartanka waxay wareegga siddeed dhammaadka UEFA Cup kusoo ciyaareen dalka Portugal xili ciyaareedkii 2000-01.  sanadkas oo ay Liverpool ku guuleysatay 5 koobka oo Uefa uu kujiro.



 

Porto ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Champions League wareegan kasoo muuqdatay.


 

Porto ayaa gaartay wareega isreebreebka Champions League xilli ciyaareedyo isku xigta waa markii ugu horeysay tan iyo 2009-10.


 

Ma aysan usoo baxin wareega siddeed dhammaadka tan iyo markii ay tartankaan ka qaadeen kooxda Monaco sannadki 20-2003-04


Liverpool ayaa ka mid ah4 koox oo aan laga adkaan xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, waxaana la wadaagaya Barcelona, Besiktas iyo Tottenham.


 

Safafka Macquulka 


Porto: Sa; Marcano, Telles, Paredes, Ricardo; Herrera, Danilo, Andre, Brahimi; Marega, Aboubakar.

 

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Moreno; Henderson, Wijnaldum, Oxlade-Chamberlain; Salah, Mane, Firmino




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip