Warbixin: Man City iyo Liverpool oo rikoor cusub ka sameeyay Champions League tobaadkaan,

0
Friday February 16, 2018 - 00:04:10 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Man City iyo Liverpool oo rikoor cusub ka sameeyay Champions League tobaadkaan,

    England-Jimco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

England-Jimco

Wiilasha Pep Guardiola ayaa rikoor dhigay Talaadadii 24 saacadood ka hor inta ayna ciyaarin wiilsha uu hogaamiyoJurgen Klopp.

Manchester City ayaa rikoor cusub u dhigtay Champions League markii ay 4-0 kaga badiyeen Basel Talaadadii. Waxay qaadatay hal maalin.

Afartii gool ee ay ku badisay kooxda Pep Guardiola ayaa aheyd guushii ugu weyneyd ee abid soo gaarta koox Ingiriis ah oo aana ku ciyaareeningurigeeda tartanka Champions League.

Laakiin Arbacadii, Liverpool ayaa iyadana taariikh cusub sameesay ,ka dib markii ay 5-0 ku xaaqeen Porto kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa guul ka gaartay Estadio do Dragao, ka dib markii ay seddexleeya uu dhaliyay Sadio Mane, oo ah ciyaaryahankii afaraad ee Liverpool u dhaliya seddaxleeye koobka Champions League ,ka dib (Michael Owen, Yossi Benayoun iyo Philippe Coutinho)

Reds ayaa sidoo kale noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah oo shan gool ka dhaliso tartanka Champions League wareega 16-ka.

Shan ka mid ah shanta gool ee Liverpool ay ka dhalisay Champions League waxa ay ka dhigantahay in ay gaareen recordkii Bayern Munich, 5-0 oo ay ka badisay Sporting 2009kii iyo Real Madrid oo 6-1 kaga soo badisay Schalke 2014.

Liverpool ayaa dhalisay goolal ka badan 28 gool marka loo fiiriyo kooxaha kale ee Champions League ilaa 2017-18.

Reds ayaa fursad u heysata inay ku darto wadar ahaan goolasha kulanka lugta labaad ee ay wajahayaan Porto 6da March, iyadoooo u gudbi karta wareega 8da.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa Premier League Sabtigii ay la ciyaari doonto West Ham.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip