Wiilasha kooxda Heegan oo ku guuleystay horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda Gacanta kadib markii ay ka adkaadeen dhigooda Horseed +Sawirro

0
Saturday February 17, 2018 - 20:40:46 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilasha kooxda Heegan oo ku guuleystay horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda Gacanta kadib markii ay ka adkaadeen dhigooda Horseed +Sawirro

    Kooxaha Heegan iyo Horseed oo ah laba kooxood oo aad u xifaaltama ayaa isaga horyimid kama dambeysta horyaalka kubadda gacanta ee wiilasha waxeyna soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Heegan iyo Horseed oo ah laba kooxood oo aad u xifaaltama ayaa isaga horyimid kama dambeysta horyaalka kubadda gacanta ee wiilasha waxeyna soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqay


Awooda iyo tayada ciyaareed ee labada kooxood oo aheyd mid isku miisaaman ayaa kulan ciyaareedka ka dhigtay mid xamaasad leh oo aan marnaba laga caajisin.


Goolasha iyo xeeladaha ciyaarta ayaana ahaa kuwa isdaba jooga iyadoo aysan jirin kooxo xilligaasi loo saadaalin karay ineey guuleysato.


Qeybta hore ee ciyaarta u dhaxeysay kooxaha Heegan iyo Horseed ayaa lagu kala nastay 13- 12 oo ay ciyaarta ku hogaamineysay kooxda Heegan.



Markii dib la isugu soo laabtay Qeybtii labaad ayeey labada kooxood markale muujiyeyn ciyaar hufan oo qancisay taageerayaashii soo buux dhaafiyey garoonka Wiish ee Degmada C/ Casiis.


Si kastaba kulan ciyaareedka dhex maray Kooxha Heegan iyo Horseed oo lagu tilmaamay mid kamida kulamadii ugu xamaasada iyo shacbiyada badnaa ee mudooyinkan la ciyaaro ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday Heegan oo la timid 28 gool halka Horseedna ay keensatay 26 gool, waxaana sidaasi ku guuleystay kooxda Heegan oo u dabaal dagtay hanashada horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda gacanta.


Kadib dhamaadkii ciyaartii xiriirka soomaliyeed ee kubadda gacanta ayaa garoonka ku bixiyey abaalmarinadii kala duwanaa ee tartanka loogu talo galay sida abaal marinta ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa oo la gudoonsiiyey ciyaaryahan Cabdifatah maxamed macoow buukaale oo tartanka ka dhaliyey 98 gool halka koobka kaalinta koowaad ee horyaalkana gacanta loo geliyey kabtanka kooxda Heegan C/qaadir maxamed idiris.


W/D: Xabiib Axmed Cali 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip