Maamulka kooxda Manchester City oo qorsheenaya ineey qandaraas cusub ku abaal mariyaan tababare Pep Guardiola, imisa ayuu sanadkii qaadan doonaa?

0
Saturday February 24, 2018 - 17:25:22 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka kooxda Manchester City oo qorsheenaya ineey qandaraas cusub ku abaal mariyaan tababare Pep Guardiola, imisa ayuu sanadkii qaadan doonaa?

    Sabti-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Manchester


Sida lagu qoray wargeyska caanka ah ee The Sun, Maamulka kooxda Manchester City ayaa doonaya ineey qandaraas waqti dheera ku abaalmariyaan tababare Pep Guardiola kaas oo uu heshiiskiisu dhacayo sanadka 2019.


Milkiilaha kooxda Manchester City Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa dhawaan la kulmay tababare Guardiola wuxuuna ku amaanay shaqada wanaagsan ee uu kooxda ka qabtay isagoo dhinaca kale u ballan qaaday in lagu abaal marin doono qandaraas cusub oo ku ekaan doona ilaa iyo sanadka 2021 kaas oo u sanadkiiba ku qaadan doono aduun dhan £20million.



Macalin Joze Pep Guardiola oo 47 jira ayaa shaqada Kooxda Citizens, The Sky Blues la wareegay sanadkii 2016 wuxuuna tan iyo xilligaasi abuuray koox awood leh oo aad looga baqo iyadoo ay xusid mudantahay ineey kooxdiisu hada ku naalooneysa hogaanka sare ee horyaalka ingiriiksa ee Premier League.


Maamulka Manchester Cityoo aad ula dhacsan shaqada macalin Pep Guardiola ayaa hada doonaya ineey ku abaal mariyaan qandaraaskan cusub oo ka dhigi doono mid kamida macalimiinta ugu mushaarka badan xirfadda kubadda cagta.


W/D: Xabiib Axmed Cali 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip