Mohamed Salah oo ka dhawaajiyey hadal aan u wanaagsaneyn Real Madrid

0
Saturday February 24, 2018 - 17:41:04 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah oo ka dhawaajiyey hadal aan u wanaagsaneyn Real Madrid

    Sabti- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Liverpool


 

Mohamed Salah oo sheegay ineey riyadiisu tahay inuu horyaalka ingiriiksa kula guuleysto kooxdiisa Liverpool.


Ciyaaryahan Mo Salah oo 25 jira ayaa hada ku jira waayihiisii ugu wacnaa kubadda cagta wuxuuna wacdao la yaab leh ka dhigayaa kooxda Liverpool.


Salah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu hadafkiisa koowaad yahay inuu kooxdiisa Liverpool kula guuleysto horyaalka England oo aysan ku guuleysan tan iyo sanadkii 1990 oo hada laga joogo 28 sanadood.



" Anigu Waxaan halkan u imid inaan koobab ku guuleysto. Waxaan taageerayaasha u sheegayaa inaan u shaqeyn doonno si adag oo 100% si aan guulo u gaarno, Dhabtii Riyadeyda waxeey tahay inaan kooxdan kula guuleysto horyaalka Premier League oo aysan ku guuleysan muddo dheer ayuu yiri ciyaaryahan Mohamed Salah oo dhowr bilood ka hor loo magacaabay abaalmarinta African Player of the Year.


Mohamed Salah oo ah xirfadyahan u dhashay dalka Masar ayaa kooxda Liverpool kusoo biiray sanadkii 2017 wuxuuna tan iyo xilligaasi guud ahaan garoonka usoo galay 36 kulan wuxuuna guud ahaan u ansixiyey 30 gool.


W/D: Xabiib Axmed Cali 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip