Shir Sanadeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda koleyga oo lagu qabtay magaaladan Muqdisho, Xilli go'aano cusub ay kasoo baxeen +Sawirro

0
Monday February 26, 2018 - 20:00:39 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Sanadeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda koleyga oo lagu qabtay magaaladan Muqdisho, Xilli go'aano cusub ay kasoo baxeen +Sawirro

    Isniin- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Muqdisho

Shir sanadeedkan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Marti sharaf ka kala socotay Guddiga Olombikada soomaaliyeed , wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, madaxda kooxaha Xiriirka kubadda koleyga , Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, qubaro isboorti iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.


 

Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Mudane C/lahi Nuur Maxamed Cadaani oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii xiriirkiisa u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo waxa sanadkan u qorsheysan, waxuuna tilmaamay in inta badan qorshe howleediuu si wanaagsan ugu qabsoomay, basle ay sanadkan doonayaan in dardar xooggan uugeli doono xiriirka.



Sidoo kale waxaa goobta iyana ka hadlay masuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha Isbortiga ee gobolkan Banaadir waxeyna dhamaantood bogaadiyeyn wax qabadka ay sanadkii lasoo dhaafay muujiyeyn maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga.


 

Ugu dambeyn Dahabo Suusoow oo ka mida Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aad u amaantay shaqada wanaagsan oo ay qabteyn maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga waxeyna dhinaca kale dalbatay in la kordhiyo tartamada kala duwan ee gabdhaha loo qabto.


Kadib qudbadha Masuuliyiinta waxaa Goobta XubnanaShirweynaha oo ka koobnaa14 ay codeyn u qaadeen wax ka adban lagu sameeyo qodobka 32 ee Dastuurka xiriirka kaasoo dhigayay in ay Xoghayaha Xiriirka lasoo dooranayo, waxayna 13 kamid ah u codeeyeen in Waxii ka dambeeyay mudada afartsano uu Xoghayaha magacaabis noqon doono waxaana kasoo horseestay hal cod , taasoo kadhigan cod ansax ah.


Dhanka kale waxaa Guddoonka xiriirka uu soo bandhigay xubno cusub oo xiriirka kubadda Koleyga kusoo biiraya kuwaas uu guddoomiyaha Xiriirka uu sheegay in loogu talo galay in ay door lixad leh ka qaataan, waxana wehliyeyxubno sharaf uu xiriirka ku dhawaaqay waxayna kala noqdeen.


Xilalka la magacaabay: 


 Injineer Baana Cabdalla CaliXiriiriyaha Xiriirka Soomaaliyeed kubadda Kolayga Hey’adaha Caalamiga


Cabdullaaahi JimcaaleMaalin ( Cabdi bile) kaaliyaha Xoghayaha Howlaha Fullinta


Faadumo Aweys Maxamed ( Madaxa Mini Basketball-ka


Cabdifitaax Maxamed Macoow ( Buukaale ( si Kumeel gaar ah Madaxa Arimaha Danaha Ciyaartoyda )


Xubin Sharafeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga


Raiisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu Xubin Sharaf ka noqonaya Xiriirka Soomaaliyeedd ee kubadda Koleyga.


Laacibadii Hore kubada Koleyga Caasho Xasan Xuseen isla markaana Kamid ah Saraakiisah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo iyana xiriirka uu u gartay Xubin sharafeed.


 

W/D: Xabiib Axmed Cali

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip