Heegan FC oo la kulantay guuldaradii ugu horeesay ee horyaalka Somali premier league

0
Thursday March 01, 2018 - 09:06:39 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heegan FC oo la kulantay guuldaradii ugu horeesay ee horyaalka Somali premier league

    Khamiis-Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Somaliya

kooxda ciidanka Booliska Somaliyeed ee Heegan FC ayaa maanta ciyaartay kulankii lixaad ee horyaalkaSomali premier league.

Heegan ayaa maanta la ciyaartay kooxda jeenyo,waxa ayna noqotay ciyaar looga badiyay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Jeenyo.

Laacibka lagu magacaabo Axmed Kanu, ayaa dhaliyay goolka ku qara ee ciyaarta ka dhashay daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta.

guusha maanta ay gaartay kooxda jeenyo,waxa ay la micana tahay in ay gaartay guushii labaad ee horyaalkaSomali premier league,ka dib shan kulan ay horay u soo ciyaareen.

Heegan FC ayaa iska qasaarisay fursad ah hadii ay badin lahayd in ay dhibco wadaag la noqon lahayd kooxaha hogaanka haaya ee kala ah Horseed iyo Dekeddaha.

Jeenyo ayaa hada leh 8 dhibcood ,ka dib lix kulan ay ciyaareen horyaalkaSomali premier league.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip