Batrolka Oo Gaartay Guushii Ugu Horeysay Horyalka Somali premier league,Xili Ay Ku baashaashay kooxda Elman FC

0
Thursday March 01, 2018 - 22:19:20 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Batrolka Oo Gaartay Guushii Ugu Horeysay Horyalka Somali premier league,Xili Ay Ku baashaashay kooxda Elman FC

    KHAMIIS-SOMALIYA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHAMIIS-SOMALIYA

kulankii 29-aad ee ka tirsanaa horyaalka Somaliya ayaa galabta garoonka weyn ee Banaadir Stadiom ku dhexmaray kooxaha kala ah Batrolka iyo Elman FC.

kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 4-1 oo ay ku badisay kooxda Batrolka,waxa ayna ahayd guul aana horay loo saadaalin.

Elman FC ayaa kulankaan soo gashay,ayado kulankii hore ka badisay kooxda Madbacadda,halka kooxda Batrolka kulankaan soo gashay,ayadoo raadinayso guushii ugu horeesay horyaalka Somaliya 2017/2018.

Laacibka lagu magacaabo Ayuub C.Laahi ayaa dhaliyay laba gool kulankaan,halka goolasha kale ay sii raacsadeen Qadar Saiid,iyo C.Raxmaan.

Elman FC Goolka Calanka ah,waxaa u dhaliyay laacibka lagu magacabo Awar shankuuda .ayadoo goolkaas ka dhiganyahay in uu horyaalka ka dhaliyay 7 gool.

Laacibka lagu magacaabo Liinje oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa qaatay calaamadda roosaha.

Ugu danbeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 4-1 oo ay ku badisay kooxda Batrolka.

Elman oo ciyaartay lix kulan kaliya laba jeer ayee ka badisay,waxa ayna leedahay lix dhibcood.

Batroolka guusha ay gaartay ayaa ka dhigan in ay leedahay lix dhibcood.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip