Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois Oo Wadahadalo Kula Jira Kooxda Paris Saint-Germain.

0
Thursday March 01, 2018 - 23:16:08 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois Oo Wadahadalo Kula Jira Kooxda Paris Saint-Germain.

    LONDAN-KHAMIIS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LONDAN-KHAMIIS

Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay Paris Saint-Germain,asiga oo kala hadlay warar ku saabsan sida uu ugu biiri lahaa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa si aad ah loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo Real Madrid bilihii u danbeysay, lakiin haatan waxa ay u muuqataa in mid ka mid ah xiddigaha kale ee yurub ee u socdaala PSG.

Sida ay sheegtay RTBF, 25 jirkaan iyo aabihiis ayaa la hadlay madaxda PSG Isniintii kulan ka dhacay London waxa laga yaabo inay soo bandhigaan fikrad maaliyadeed.

Courtois,waxaa si weyn u baadi goobaysayLos Blancos bishii Janaayo, laakiin heshiiska ayaa noqday mid aana dhicin.

Inkastoo ciyaaryahankii hore ee Atletico Madrid la hadlay PSG, wargeyska Belgian ayaa sheeganaya inuu ka walwalsan yahay kooxda Ligue 1 ee awood u leh inay ku guuleysato Champions League.

Kooxda Unai Emery ayaa qarka u saaran inay ka haraan tartanka wareega 16ka marka ay 3-1 guuldaro ay kala kulmeen kooxda Real lugta hore ee wareega 16-ka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip