Raiola: "ma jiro dagaal u dhaxeeya Jose iyo Pogba".

0
Saturday March 03, 2018 - 13:30:51 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raiola: "ma jiro dagaal u dhaxeeya Jose iyo Pogba".

    Sabti,Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Manchester

Wakiilka Xiddigga reer France ee Poul Pogba ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodad ka dhextaagan Kooxda Man United ee la xiriirta muranka u dhaxeeya tababaraha Kooxda iyo Xiddigga qadka dhexe ee Pogba.


Wakiilka Pogba ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu iska leexiyay eedda la xiriirta in uu isaga ka dambeeyo khilaafka tababaraha iyo ciyaaryahanka.


Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu isaga ku qalqaalinayo Pogba in uu dalbado mushaar kordhin maaddaama Sanchez oo laga soo iibiyay Arsenal uu ka mushaar badanyahay.



Warbaahinta England ayaa dhawaan daabacday in Ninkan Raiola lagu magacaabo uu yahay qofka daaha gadaashiisa ka hurinaya colaadda Pogba iyo tababaraha Reer Potugal,taas oo sababtay in xiddiggan keydka la fariisiyo.


Ninkan ayaa sheegay in uusan hadda jirin khilaaf u dhaxeeya labada Nin oo Manchester la xiriira islamarkaana isaga uu ka madaxbanaanyahay eedaha loo heysto ee sheegaya in uu colaaddaas gaas ku shubayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip