Conte oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Chelsea.

0
Saturday March 03, 2018 - 13:32:43 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Conte oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Chelsea.

    Sabti.London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti.London

Tababaraha Reer Italy ee Antonio Conte ayaa markan shaaciyay halka ay kooxdiisa dhibta ka heysato kaddib markii kooxda ay xilli ciyaareedkan u dul qaadatay guul darro badan iyo in uu ciriiri kaga jirto tartanka loogu jiro afarta sare.


Tababaraha Chelsea oo kulanka Man City ka hor hadlayay ayaa sheegay in qarash la’aan ay kooxda la socon la’dahay waxaana uu eedda dusha ka saaray madaxda kooxda oo uu ugu horreeyo milkiilaha.



Conte ayaa yiri "rajo weyn ayaan lahaan lahaa haddii aan aniga heysan lahaa lacagta,waxaan ku bixin lahaa saxiixyo muhiim ah,milkiilayaasha iyo madaxda kooxduna waxba ma bixinayaan”.


Tababaraha ayaa ka hadlay cadaadista dul saran,waxaana uu sheegay in isaga uu yahay macallin mudan Chelsea laakiin maamulka Kooxda aysan isaga la fahmeyn sida uu wax u rabo.


Tababaraha Reer Talyaani ayaa waxaa uu qaati ka taaganyahay warbaahinta England iyaga oo markasta baahinaya in la eryayo,taas beddelkeedana waxaa uu ku doodayaa in uusan cadaadis weyn oo dhinaca maamulka ah.


Conte waxaa uu sheegay in madaxda kooxda uu u gudbiyay liiska xiddigaha uu u baahanyahay laakiin maamulka ay ku fara adeygeen lacagta taasna ay sababtay in kooxd aysan wanaagsanaan xilli ciyaareedka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip