Warbixin: Tobaadkii lixaad iyo dhacdooyinkii laga bartay Somali premier league

0
Saturday March 03, 2018 - 13:43:48 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Tobaadkii lixaad iyo dhacdooyinkii laga bartay Somali premier league

    SABTI-MUQDISHO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SABTI-MUQDISHO

HoryaalkaSomali premier league 2017/2018 ayaa wali ka socanaya garoonka weyn ee Banaadir Stadiom.

Waxaa la ciyaaray tobaadkii lixaad,waxaana kulamadaas laga soo calaamadeeyay dhacdooyin cajiib ah.

Sida caadda ahayad,waxaan tobaadkii mar idin soo gudbinaa dhacdooyinii laga diiwaangaliyay kulamadii tobaadkaa laga ciyaaraySomali premier league.

Tobaadkii lixaad waxaa jira dhacdooyin kala duwan oo laga soo calaamadeeyay horyaalkaSomali premier league 2017/2018.

Hadaba aan ku bilaano kulamada shanta ah sida loo ciyaaray iyo dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay ama laga bartay.

26-Horseed Vs Dekeddaha,kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 0-0.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-Waa kulankii labaad ee Horseed gasho bareejo 0-0 ah.

2-Waa kulankii kowaad Dekeddaha ay gasho bareejo 0-0 ah.

3-sedax kulan ka dib waa kulankii ugu horeeyay ay badin wayso Horseed.

4-kulankaan,waxaa dhex dhaxaadinaayay Garsoore Xasan baaari wuxuu biyay kaarar gaaraya afar laba wuxuu siiyay kooxda Dekeddaha labana wuxuu siiyay kooxda Horseed.

5-Rymond ayaa laba kulan ka dib ku guul dareestay in uu shabaqa gaaro.

 

27-Banaadir SC Vs Madbacadd,kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku badisay kooxda Banaadir SC.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-Xasan Santos oo dhaliyay goolkii sedaxaad ee horyaalka Somaliya 2017/2018.

2-Banaadir SC oo guuleesatay markii sedaxaad horyalka Somaliya lix kulan ay ciyaartay.

3-Khaliif oo dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa Banaadir SC.

4-Madbacada ayaa la kulantay guuldaradii labaad horyaalka Somalya.

5-kulankaan,waxaa garsore ka ahaa Garsoore Maxamed Somaliy,wuxuu bixiyay sedax kaar oo kuwa digniinta ah iyo laba roose laba kaar oo ku wa digniinta iyo hal roose wuxuu siiyay kooxda Banaadir SC.

Hal kaar oo digniinta ah iyo hal roose,waxa uu siiyay kooxda Madbacadda

28-Heegan Vs Jeenyo 1-0,waxaa ku badisay kooxda jeenyo

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-kooxda ciidanka Booliska Somaliyeed ee Heegan FC ayaa ciyaartay kulankii lixaad ee horyaalkaSomali premier league.

2-Laacibka lagu magacaabo C.raxmaan Kanu, ayaa dhaliyay goolka ku qara ee ciyaarta ka dhashay daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta.

3-guusha ay gaartay kooxda jeenyo,waxa ay la micana tahay in ay gaartay guushii labaad ee horyaalkaSomali premier league,ka dib shan kulan ay horay u soo ciyaartay.

4-Heegan FC ayaa iska qasaarisay fursad ah hadii ay badin lahayd dhibco wadaag la noqon lahayd kooxaha hogaanka haaya ee kala ah Horseed iyo Dekeddaha.

5-Jeenyo ayaa hada leh 8 dhibcood ,ka dib lix kulan ay ciyaartay horyaalkaSomali premier league.

6-Mustaf Maxamed Yusuf oo markii ugu horeesay ka horyimid kooxdiisi hore ee jeenyo.

7-Garosoore siyaad oo kulankaan garsoore ka ahaa,wuxuu bixiyay kaararka digniinta ah ee gaaraya sedax laba ka mid ah wuxuu siiyay jeenyo halna wuxuu siiyay kooxda Heegan.

29-Batrolka Vs Elman FC,kulankana,waxaa 4-1 ku badisay kooxda Batrolka.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-Batrolka Oo Gaartay Guushii Ugu Horeysay Horyalka Somali premier league,

2-Waa Markii labaad Elman FC horyaalka Somaliya Premier league looga badiyo 4-1,ka dib kulankii heegan.

3-Ayuu Cabdullahi Cusmaan ayaa dhaliyay laba gool hal kulan markii ugu horeesay horyaalka Somaliya.

4-Anwar shankuuda ayaa markii labaad dhaliyay gool ciyaar kooxdiisa looga badiyay afar gool iyo gool,ka dib kulankii heegan.

5-Anwar shankudha ayaa dhaliyay goolkii 7-aad ma jiro ciyaaryahan ka goolal badan Anwar shankudha.

5-Elman FC ayaa la kulantay guuldaradii afaraad horyalka Somali,ka dib lxi kulan ay ciyaartay.

6-Garsoore Cumar cabudlqaadir oo ciyaartaan garoosre ka ahaa,wuxuu bixiyay shan kaar oo kuwa digniinta ah iyo hal kaar oo roose ah.

Sedax kaar oo digniin ah wuxuu siiyay Batrolka laba kaar oo digniin ah iyo hal roose wuxuu siiyay kooxda Elman FC.Roosha Elman,waxaa ka qaatay Niije oo ciyaarta badal ku soo galay.

30-Waxool Vs Gaadiidka ,kulankaan wuxuu ku dhamaaday 1-1-.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-Waxool ayaa gashay bareejadii ugu horeesay horyaalka Somaliya 2017/2018,ka dib lix kulan ay ciyaartay.

2-Gaadiidka ayaa gashay barbarihiilabaad horyaalka Somaliya,ka dib lix kulan ay ciyaartay.

3- Waxool ayaa leh 1 dhibic,ayadoo dhanka kale lagu leeyahay 9 gool.

4-Gaadiidka oo laba dhibic leh,waxa ay ku jirtaa kaalinta9-aad,waxaa lagu leeyahay 4-gool.

5-Garsoore Macalin Aadan ayaa markii ugu horeesay noqday garsoore dhexda ah,kulan ka tirsan horyaalka Somaliya 2017/2018.

6-kulankaan,waxaa la bixiyay shan jaale laba jaale,waxaa la siiyay kooxda Gaadiidka,halka kooxda Waxool la siiyay sedax kaar oo kuwa digniin ah.

Tobaadkii lixaad Somali premier league 2017/2018,goolasha la iska dhaliyay,waa 10-gool.

Kaararka la bixiyay kuwa digniinta ah waa 20, roosooyinka waa 3 laba ka mid ah ,waxaa la bixiyay kulankii dhexmaray kooxaha kala ah Madbacadda iyo Banaadir SC,waxaa bixiyay garsoore Maxamed Somaaliya,halka roosaha kale la bixiyay kulankii Batrolka iyo Elman FC,waxaa bixiyay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan,wuxuu siiyay laacibka lagu magacaabo Mutaar Liinje.

Kulankii ugu goolasha badnaa,wuxu ahaa kulankii dhexmaray kooxaha kala ah Elman Batrolka,waxaa ka dhashay shan gool,waxa ay ahayd ciyaar Elman FC looga badiyay 4-1.

Laacibka ugu goolasha badan tobaadkii afaraad Somali premier league 2017/2018.waa Ayuu Cabdullahi oo dhaliyay laba gool kulankii Elman FC iyo Batrolka.

 

Dhanka kala sareenta horyaalka Somali premier league 2017/2018.

Dhanka Gool dhalinta

Anwar Shan 7 gool.

Inyazi Ronaldo shan gool.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip