Weah JR oo looga yeeray safka waaweyn ee PSG!

0
Saturday March 03, 2018 - 13:49:55 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weah JR oo looga yeeray safka waaweyn ee PSG!

    Sabti,Paris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Paris

Kooxda Kubadda Cagta ee PSG ayaa safka 1aad uga yeertay wiilka uu dhalay Madaxweynaha Dalka Laberia George Weah,kaddib markii uu dalabkaas gudbiyay Tababaraha Kooxda PSG.


Timothy Weah oo 18 jir ah waxaa uu ka mid noqonayaa ciyaartooyda Kooxda PSG ku mataleysa kulanka Kooxdaasi ay la leedahay dhiggeeda Troyes.


18 jirka Mr Weah ayaa waxaa uu kooxda u saxiixay heshiis ku kacaya ilaa 2020ka,waxaana xiddiggan hadda looga yeeray kooxda waaweyn maaddaama uu ka mid ahaa da’yarta.



Tababaraha PSG,Unai Emery,ayaa sheegay in xiddiggan uu buuxin karo booska xiddigga dhaawaca ah ee Kylian Mbappe,kaas oo la filayo in uu kulankan seego.


Weeraryahankan da’da yar ayaa saaran waddadii aabbihii uu sanadkii 1995tii ku qaaday abaalgudka Ballon d’Or,isaga oo u ciyaarayay kooxda AC Milan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip