Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlay mustaqbalka Roberto Firmino

0
Sunday March 04, 2018 - 09:00:06 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlay mustaqbalka Roberto Firmino

    Axad- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Liverpool


 

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa maamulka kooxdiisa ugu baaqay ineey qandaraaska u kordhiyaan gool-dhaliyahooda Roberto Firmino.


Jurgen Klopp oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineey kooxdiisu waajib ku tahay ineey xafidato ciyaaryahan Roberto Firmino oo ay xiiseenayaan kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub.


Qandaraas kordhinta Roberto Firmino waa mid muhiimad weyn u leh kooxda Liverpool maxaa yeelay ciyaaryahankan waa mid ka mida xidigaha kooxda ugu muhiimsan ayuu yiri tababare Jurgen Klopp oo intaa ku daray ineey maamulku waajib ku tahay ineey xafitaan xidiga xulka Brazil.



Ciyaaryahan Roberto Firmino oo 26 jira ayaa kooxda Liverpool sanadkii 2015 kaga soo biiray kooxda Hoffenheim wuxuuna hada kooxda Reds lagu naaneyso kula jiraa qandaraas ku eg sanadka 2020.


Maamulka kooxda Liverpool ayaana hada qorsheenaya ineey Roberto Firmino ku abaal mariyaan qandaraas dheer oo ku e kaan doona sanadka 2023.

 


W/D: Xabiib Axmed Cali 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip