Kooxda Manchester United oo xiiseeneysa goolhaye Marc-Andre ter Stegen

0
Sunday March 04, 2018 - 09:33:02 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Manchester United oo xiiseeneysa goolhaye Marc-Andre ter Stegen

    Axad- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Manchester


Sida lagu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka England kooxda caanka ah ee Manchester Unitedayaa £89 million ku raadineysa goolhayaha kooxda Barca Marc-Andre ter Stegen kaas oo ay dooneyso ineey geliso booska David de Gea oo ay suuro galtahay inuu kooxda isaga tago.


Goolhaye David de Gea oo 27 jira ayaa hada waxaa si weyn u xiiseeneysa kooxda Real Madrid oo u ballan qaaday ineey sanadkiiba siineyso mushaar dhan £14m.



Kooxda Manchester Unitedoo arintaas ka duuleysa ayaa dhankeeda la sheegay ineey dalab ka gudbiso goolhayaha dooqa koowaad ee BarcaMarc-Andre ter Stegen kaas oo uu qanadaarskiisu dhacayo sanadka 2022.


goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo 25- jira ayaa hada ku jira qaab ciyaareed cajiiba wuxuuna shabaqiisa ilaalsaday 19 kulan oo kamida 34 kulan oo uu guud ahaan xagaagan garoonka usoo galay kooxdiisa Barcelona.


Tababaraha Kooxda Manchester United Jose Mourinho oo si weyn u jecel xirfada ciyaareed ee goolhaye Marc-Andre ter Stegen ayaa madaxda kooxdiisa ka dalbaday ineey xidigan soo iibsadaan si uu badal ugu noqdo goolhaye David de Gea oo ay suuro galtahay inuu ku biro kooxda ku ciyaarta garoonka Santiago Bernabéu.


W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip