Lionel Messi oo noqday shaqsiga qeyb kasta ugu wanaasgan horyaalka Spain

0
Tuesday March 06, 2018 - 11:51:04 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi oo noqday shaqsiga qeyb kasta ugu wanaasgan horyaalka Spain

    Talaado- Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Spain



 

Leonel Messiayaa noqday laacibka uguqeybkasta oo ugu wanaagsan heer bandhiga Horyaalka Spain.


Leo ayaa dhaliyay goolkiisii 600-aad ee xirfadiisa ciyaareed kulankii ay kooxda Barcelona guusha muhiimka ah ee 1/0 ka gaartay kooxda Atletico Madrid Axadii isaga oo 8 dhibcood ka horaysayay kooxda Atletico Madrid.


 

Xilli ay Barcelona ku dhawdahay in ay ku guulaystay horyaalka Messi ayaa dhankiisa wax walba oo horyaalka La Liga ah hogaaminaya.



 

Goolkii uu Atletico Madrid ka dhaliyay ayaa ahaa goolkii 24-aad ee Lionel Messi ee xilli ciyaareedkan isaga oo 4 gool ka badan xiddiga ugu soo dhaw oo ah Luis suarez halka uu xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo ka horeeyo 8 gool.


24-kaas gool ayaa ka yimid 73 laag oo uu ku laagay goolka xilli uu sidoo kale yahay xiddiga kaliya ee sidaa sameeyo horyaalka La Liga taas oo la macno ah in uu kulan kasta 3 laag ku laagayay goolka.


 

Marka laga hadayo caawinta Lionel Messi ayaa caawiye ka noqday 12 gool ilaa haatan horyaalka waana xiddiga kaliya ee sidaa sameeyay waxana uu 9 caawin ka horeeyaa xiddiga ku xiga.

Inkasta oo ayna xiddigaha ay isku kooxda yihiin gool u wada badan hadana Messi ayaa ah xiddiga ugu fursad samaynta badan isaga oo sameeyay 74 fursadood oo muhiim ah waana xididga ugu badan ee sidaa sameeya.


 

Messi ayaa ku caan ah xirfado cajiib ah kubaduna lugtiisa si dhib yar uguma lunto waxa uu Sameeyay 5.3 Gambis oo guulaystay kulan kasta.

Hadab halkan hoose kaa bogo wax qabadka Messi ee xilli ciyaareedkan oo lasoo koobay:

 

Goolasha La Liga

 

Messi – 24

 

Luis Suarez – 20

 

Cristiano Ronaldo – 16

 

Iago Aspas – 16

 

Antoine Griezmann – 16

 

Gambiska Ugu Badan Ee Lagu Guulaystay

 

Messi – 5.3

 

Jonathan Viera – 2.8

 

Ever Banega – 2.3

 

Goncalo Guedes – 2.3

 

Adnan Januzaj – 2.3

 

Caawinta Li Liga:

 

Messi – 12

 

Pione Sisto – 9

 

Antoine Griezmann – 7

 

Karim Benzema – 7

 

Lucas Vazquez – 7

 

Fursadaha La Sameeyay La Liga

 

Messi – 74

 

Jonathan Viera – 62

 

Lucas Perez – 53

 

Iago Aspas – 50

 

Alex Granell – 48

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip