Dhaleeceynta loo jeedinayo daafacii hore ee Jamie Carragher oo soo badaneysa

0
Monday March 12, 2018 - 19:54:30 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaleeceynta loo jeedinayo daafacii hore ee Jamie Carragher oo soo badaneysa

    Isniin- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- England

Waxaa soo badanaya dhaleeceynta loo jeedinayo daafacii hore ee kooxda Liverpool Jamie Carragher kaas oo dhawaan wejiga ka candhuufay gabar yar oo taageerta kooxda Manchester United.



Jamie Carragher oo 40 jira ayaa hada ku jira xaalad murugo leh kadib markii lasoo bandhgay muuqaal ku saabsan isagoo wejiga ka Candhuufaya gabar 14 jira oo taageerta kooxda Manchester United.


Sheekadan ayaa dhacday kadib kulankii adkaa ee kooxda Manchester United ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool.



Carragher ayaa ficilkaasi kadib la kulmay dhaleeceyn xoogan maadaama uu ku kacay fal foolxun oo sumcadiisa dhaawacay.


Daily Maily ayaa hada ku warameysa in Jamie Carragher laga joojiyay inuu falanqeeya ka noqdo Tv-ga laga leeyahay dalka Denmark ee TV3 Sport, kaas oo uu ugu qornaa kulanka habeen dambe dhex mari doona kooxaha Man United iyo Sevilla.


Sidoo kale Daily Maily ayaa baahisay in ay suurogaltahay in Jamie Carragher laga ceyriyo shaqada Sky Sports inkastoo uu raali gelin ka bixiyey ficilkii foosha xumaa ee uu sameeyay.


Dad badan oo ku lug leh kubada cagta ayaa dhaleecaan xoogan kala dul dhacay daafacii hore ee xulka England Jamie Carragher oo uu muuqday mid ay caadifad qaaday kadib markii uu wejiga ka candhuufay gabar da,yar oo taagerta kooxda Manchester United iyadoo ficilkaasna uu dhacay kadib markii 2-1 looga adkaaday kooxdiisii hore Ee Liverpool.


W/D: Xabiib Axmed  Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip