Plasma vs Dekadda, kooxdee gaari doonta Final-ka Janaraal Da'uud ee Kubadda Kolayga? Ha Moogaan 7 Laacib oo Dekadda ka tirsanaa ayaa maanta kasoo Horjeeda!!

0
Thursday April 05, 2018 - 12:10:48 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Plasma vs Dekadda, kooxdee gaari doonta Final-ka Janaraal Da'uud ee Kubadda Kolayga? Ha Moogaan 7 Laacib oo Dekadda ka tirsanaa ayaa maanta kasoo Horjeeda!!

    Khamiis--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Muqdisho

Kulanka loogu gudbayo Finalka Koobka Janaraal Daa’uud ee Kubadda Kolayga ayaa maanta waxaa foodda isku dari doona kooxaha Muruq Weynta ah ee Plasma iyo Dekadda, waxaana uu ka dhici doonaa Garoonka Wiish ee Degmada Cabdicasiis.


Kooxda Plasma ayaa waxay kasoo Gudubtay Guruubka B, Halka Dekadda ay kasoo Gudubtay Guruubka A, iyadoo labada Naadiba ay sanadkan soo bandhigeen hannaan ciyaareed oo aad loo jecleystay.


Kooxda Heegan ayaa Koobkan heysata, in kastoo Sanadkan ciyaaraha sida muuqata aysan kooxuhu ku kala Awood yareyn.



Waxyaabaha aad la yaabi karto.


Xiddigo badan oo ka tirsanaa kooxda Dekadda ayaa maanta wajahaya naadigoodii hore, iyagoo ku lebisan Funaanadda kooxda Plasma, waxaana kuwaas ku jira laacibka Caanka ah ee dhinaca kubadda Kolayga Mandeella, kaasoo 10-sano wax ka badan ka tirsanaa Dekadda.


Sanadkii hore xiddigaha kooxda Dekadda u ciyaarayay ee maanta ka hortegaya kooxdoodii hore waxay gaarayaan 7 Ciyaartoy, waana kuwa Isbeddelka dhinaca Wanaagsan ah u horseeday kooxda Plasma oo Sanadkan ka mid ah Naadiyada loo saadaalin karo hanashada Koobka Janaraal Daa’uud ee Kubadda Kolayga Dalka.


Kooxaha ugu xoogga badan Koobkan ee Heegan iyo Horseed oo Ciidanka Booliska iyo Meletariga kala metela ayaa waxay yihiin kooxaha kale ee Semi-finalka Janaraal Da’uud Sanadkan xaadirka ku ah, waxayna Foodda is dari doonaan Sabtiga.


Ciyaarta Finalka ayaana u dhexeyn doonta Labadaan kulanka Labada kooxood ee kasoo Baxa, waana Sanad kale oo bandhig fiican laga Bartay koobka Kubadda Kolayga ee Janaraal Da’uud.


FAAFAAHIN KOOBAN KULANKA


Kulanka: Plasma vs Dekadda

Garoonka: Wiish Court

Saacadda: 04:00pm Galabnimo Waqtiga Geeska Afrika




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip