PSG oo ganaax kala kulmeeysa UEFA, (Ogow sababta)

0
Thursday April 12, 2018 - 11:59:49 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSG oo ganaax kala kulmeeysa UEFA, (Ogow sababta)

    Khamiis-Paris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Paris


Kooxda Paris-Saint Germain ayaa laga yaabaa in ay la kulanto ganaax weeyn oo kaga imaanaya dhinaca xiriirka kubadda cagta ee qarada yurub UEFA.

Baaritaano Hordhac ah oo ay smaeeysay UEFA ayaa lagu sheegay in PSG lagu heeysto saxiixyadii xiddigaha kal ah, Neymar iyo Kylian Mbappe.

 

Xiriirka kubadda cagta yurub ayaa bilaabay baaritaan ka dib markii ay kooxda PSG Neymar kula soo wareegtay heshiiska rikoorka adduunka ah ee dhan 200 milyan oo euro.

 

Wax yar kadib kooxda PSG ayaa mar kale si amaah ah kula soo saxiixatay da,yarka Kylian Mbappe ka hor inta ayna kula wareegin lacag dhan 166 milyan oo euro.

 

Baaritaankii UEFA ayaa eegi doona in ay kooxda PSG jabisay xeerka dhaqaale wanaaga taas oo loogu tala galay in ay kooxuhu si weyn u kharash gareeyaan lacagaha.

 

Sida laga soo xigtay Financial Times, UEFA waxay shaqaaleysiisay shirkadda isboortiga ee xiriirka la leh Octagon si ay u eegto heshiisyada PSG ee maalgaliyayaasha si ay u go,aamiyaan in uu yahay qiimo sax ah xilli laga wal-walsan yahay in ay lacago ka heshay meelo aan khusayn kooxda oo qaraabo la ah milkiilaha kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof oo u dhaw Octagon in ay sheegeen in ay kooxda PSG ka been abuurtay lacagaha maalgaliyaasha.

UEFA ayaa kulmi doonta todobaadka dambe si ay uga hadlaan arinta laakiin ma qaadan doonaan wax go,aan ah ilaa la soo saaro dhaqaalaha kooxda bisha June.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip