Banaadir SC oo Khasaare kale u geysatay Elman & Cabduqaadir Eenow oo 3-leey dhaliyay

0
Thursday April 12, 2018 - 21:45:19 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaadir SC oo Khasaare kale u geysatay Elman & Cabduqaadir Eenow oo 3-leey dhaliyay

    Khamiis--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Muqdisho

Kooxda Banaadir SC ayaa guul soo laabasho ah oo weyn waxay ka gaartay naadiga Elman, kulan ka dhacay Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis, waxaana ciyaarta oo labada kooxood ay iska dhaliyeen 6 gool ay aheyd mid xiiso gaar ah xambaarsaneyd.


Elman oo dooneysay in ay iska soo dhaqdo ceebtii kasoo gaartay lugtii hore ee horyaalka kooxda Banaadir SC ayaa qeybta hore ee kulanka waxay hoggaanka ciyaarta ku nasisay 2-0, iyadoo la filayay in sidaas Banaadir looga Taqalusi karo.



Banaadir ayaase markii la isu soo laabtay waxay ku qaadatay wax ka yar 2 daqiiqo in ay isaga soo jaraan Labada Gool ee hoggaanka looga hayay.


Cabduqaadir Aadan Eenoow ayaa dhaliyay 3 gool oo ka mid ah 4 gool oo ay ku badisay naadiga Banaadir, waxayna ahaayeen kuwa inta lagu bareejeeyay haddana loogu saaray Elman.


Elman oo dooneysay soo Kabasho ciyaartuna tahay 3-2, waxaa Goolka Quusinta ka dhaliyay laacibka Caadil Nuur Cali, kaasoo kulanka ka dhigay natiijada uu ku dhammaaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip