Warbixin: Isku aadka Semi-Finalka Champions League & Sheeko walba oo aad u baahantahay inaad ka ogaato.

0
Friday April 13, 2018 - 01:16:44 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Isku aadka Semi-Finalka Champions League & Sheeko walba oo aad u baahantahay inaad ka ogaato.

    Jimco-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco-Yurub


Afar kooxood kaliya ayaa iskugu soo haray Tartanka kooxaha qaarada yuru ee UEFA Champions League, kooxaas ayaa loo sameeyn doonaa isku aad si loo sii dhameystiro wareegyada ka haray Tartanka.

Isku aadka ayaa lagu madalsanyahay in la sameeyo maanta oo Jimco ah, waxaana la rajeynayaa in halkaas ay kasoo baxaan ciyaaro xiisa badan.

Hadaba waxaan idin soo diyaarinay sheeko walba oo ku saabsan Isku aadka wareega 4-dhamaadka Champions League.

 

Goorma & Halkee ayaa lagu qaban doonaa Isku aadka wareega Semi-finalka champions League?

 

Isku aadka wareega Semi-finalka champions League ayaa la qaban doonaa jimcaha 13 bisha April iyada oo lagu qaban doono caasimada dalka Switzerland ee Nyon iyada oo isku aadka la bilaabi doono 2:00 Duhurnimo saacada geeska Africa.

 

Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Isku aadka Semi-final champions League:

 

Roma (Italy),Liverpool (England), Bayern Munich), Iyo Real Madrid (Spain) Fadlan Saacaadaashada Ka Dhiibo Sida ay Isugu dhici karaan 4-ta kooxood.

 

Waa Maxay Xeerka Isku Aadka Semi-finalka champions League?

 

Isku aadkan ayaan la eegi doonin wax xeer ah iyada oo ay koox kasta la ciyaari karto kooxda kale iyada oo kooxda magaceeda la soo hor saaro ay garoonkeeda ku horayn doonto.

 

Yaa Samayn doona Isku aadka Semi-finalka champions League?

 

Safiirka champions League ee Andriy Shevchenko ayaa mar kale samayn doona isku aadka sida ay xaqiijiyeen xiriirka kubada cagta yurub ee EUFA.

 

Goorma ayaa la ciyaari doonaa Kulamada Semi-finalka champions League?

 

Kulamada lugta 1-aad ee semi-finalka champions League ayaa la ciyaari doonaa 24 bisha April oo ku beegan Salaasa iyo 25 April oo ku beegan Arbaca halka lugta 2-aad la ciyaari doono 1 iyo 2 bisha May.

 

Goorma ayaa la ciyaari doonaa Final tartanka champions League?

 

Kulanka Finalka champions League ayaa la qaban doonaa maalin sabti ah oo ku beegan 26 bisha May kulankaas oo ka dhici doona garoonka Olimpiyskiy National Sports Complex




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip