Ma taqaan 7-Ciyaaryahan oo usoo wada ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich, Laacibiin waa weeyn ayaa ku jira!!

0
Saturday April 14, 2018 - 11:18:59 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma taqaan 7-Ciyaaryahan oo usoo wada ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich, Laacibiin waa weeyn ayaa ku jira!!

    Sabti-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Yurub


Waxaa mar kale isku beegmay kooxaha Real Madrid iyo Bayren Munich wareega Afar dhamaadka Tartanka kooxaha qaarada yurub ee Champions League, kooxahan ayaana ka mid kuwa sida wayn u xafiltama marka ay timaado ciyaaraha Yurub.

Waxaa xusid mudan in labadaan kooxood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan kaas oo ah dhanka ciyaartooy is dhaafsiga, waxaana jira dhow Laacib oo usoo wada ciyaaray labada koox.

Hadaba waxaan idin soo gudbineynaa ilaa 7-Ciyaartooy oo soo wada xirtay Maaliyadaha labada koox ee Real Madrid iyo Bayern Munich:



1- Paul Breitner: Xiddiga reer Germany ayaa Real Madrid uga soo biiray Bayern ka dib markii uu ku guuleystay koobkii adduunka 1974.

 

2- Ze Roberto: Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ahaa kooxdii Real Madrid ee ku guulaystay koobkii 7-aad ee champions League waxana uu u sidoo kale u soo ciyaaray Bayern.

3- Arjen Robben: Waxa uu ka mid yahay xiddiga haatan ee kooxda Bayern Munich waxana uu laba xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Real Madrid.

 

4- Hamit Altntop: Waxa uu shan xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay Bayern Munich laakiin waxa uu ku dhibaatooday kooxda caasimada Spain.

5- Toni Kroos: Xiddiga reer Germany ayaa haatan ka mid ah kooxda Real Madrid waxana uu wakhti fiican ku soo qaatay Bayern Munich ka hor intii uuna ku soo biirin Los Blancos.

 

6- Xabi Alonso: Waxa uu shan xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay Madrid ka hor intii uuna ciyaaraha ku dhamaysan Bayern Munich.

7- James Rodriguez: Xiddiga Khadka dhexe ayaa haatan u ciyaara Bayern Munich waxana uu amaah uga maqan yahay kooxda Real Madrid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip