Inter Milan oo Bankiga u jabineeysa saxiixa Gareth Bale

0
Saturday April 14, 2018 - 15:21:04 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inter Milan oo Bankiga u jabineeysa saxiixa Gareth Bale

    Sabti-Milan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Milan


Kooxda kubadda cagta  Inter Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriiriyo xiddiga Real Madrid iyo Wales Gareth Bale.

 

Weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa inta badan loo isticmaali jiray kursiga keedka ee Los Blancos ‘xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in laga hadlo mustaqbalkiisa fog.

 

Sida laga soo xigtay The Independent, kooxda Serie A ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto haddii Real ay go’aansato inay iska iibiso Bale xagaagan.

 

Bale ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Manchester United xilli danbe, laakiin wargeyska ayaa soo jeedinaya in Red Devils ay qaboojiyeen xiisahooda.

 

Warar xan ah oo u dhaxeeya Bale iyo tababare Zinedine Zidane ayaa is isbuucaan waxa uu sii xoogeystay ka dib markii Real Madrid ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Juventus lugta labaad ee wareega 8da Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip