Jose Mourinho: "Hadii Paul Pogba halkaan arin sameeyo Kulan walba waxuu ku jiri doonaa Safka hore"

0
Sunday April 15, 2018 - 09:53:36 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 2039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho: "Hadii Paul Pogba halkaan arin sameeyo Kulan walba waxuu ku jiri doonaa Safka hore"

    Axad-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Manchester


Maamulaha kooxda kubadda cagte ee Manchester United Jose Mourinho ayaa farriin u diray xidiga khadka dhexe ee Manchester iyo xulka France Paul Pogba oo ciyaar cajiib ah soo bandhigay kulankii ay todobaadkii hore 3 iyo 2 kaga adkaadeen deriskooda Manchester City.

Jose Mourinho oo u muuqda mid xidigaan ku duraya tababarka kooxda ayaa ku booriyey inuu kulan walba intaas iyo ka badan soo bandhigo, islamarkaana uu shaqada ka bilaabo tababarka kooxda.

 

"Waa inuu isku dayaa inuu ilaashado heerkaasi deganaanshaha ah, deganaanshahaasi oo ku hagi doona bandhig cajiib ah, sidii dhacday kulankii Manchester City”, Ayuu yiri Mourinho.

"Shaqada 1aad iyo deganaanshaha ciyaareed wuxuu ka bilowdaa heerka tababarka, heerka uu joogey saddexdii asbuuc ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid cajiib ah aadbaana ugu faraxsanahay”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip