Tababaraha Man City Pep Guardiola oo £50m Bixinaya si uu dib ula Midoobo Thiago Alcantara!!

0
Sunday April 15, 2018 - 11:18:37 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Man City Pep Guardiola oo £50m Bixinaya si uu dib ula Midoobo Thiago Alcantara!!

    Axad-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Manchester

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu dib ula midoobo xiddiga Bayern Munich iyo xulka Spain Thiago Alcantara, isagoo ku booriyay madaxda Manchester City in ay si dhaqso ah ugu dhaqaaqaan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Guardiola, oo Thiago kusoo layliyay Barcelona iyo Bayern, ayaa doonaya 'Xavi' cusub inuu ka caawiyo dib u soo kabashada khadka dhexe ee City xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo David Silva, Fernandinho iyo Yaya Toure ay dhamaantood ku jiraan Da'da 30 jirada.


Tababaraha City ayaa isagoo Silva ka hadlaya yiri: 'Xilli ciyaareedka soo socda, David ma ciyaari doono kulan kasta, waana sababta ay kooxdu ugu han weyn tahay in xiddig tayo leh la keeno.'

Waxa uu Thiago u saxiixay Munich sannadkii 2013, markaas oo ciyaaryahanka si wayn ay dooneysay Manchester United, waxaana uu ka soo laabtay dhaawac jilibka ah oo uu ku seegay booskiisii koobkii aduunka ee ugu dambeeyay.

Thiago waa wiilka uu dhalay Laacibkii 1994-tii ku guuleystay Koobkii Adduunka ee Brazil Mazinho, waxaana uu awood u leeyahay inuu qandaraaskiisa khadka dhexe ka dhigo inuu bedelo Toure, kaasoo qandaraaskiisa City uu dhacayo xagaaga.

Waxa uu qandaraas kula jiraa Bayern ilaa 2021 waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii gaartay semi-finalka Champions League todobaadkii hore.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip