HORDHAC: Newcastle United Vs Arsenal, Xogta kulanka iyo Shaxda suurtagalka ah.

0
Sunday April 15, 2018 - 11:40:08 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Newcastle United Vs Arsenal, Xogta kulanka iyo Shaxda suurtagalka ah.

    Axad-Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Ingiriiska

Waxaan eegeynaa kulanka xiisaha badan ee u dhaxeeya kooxaha Arsenal iyo Newcastle United waana ciyaar ku tirsan Horyalka Ingiriiska oo hada maraya meeshii ugu adkayd.

Gunners ayaa guulo soo gaartay kulamadii ugu dambeeyay ay ciyaartay iyagoo sidoo kale Tiigsaday wareega Semi-Finalka koobka Europa League Dhamaadkii Isbuucii hore.

Dhanka kale, Tababaraha Newcastle United Rafael Benitez ayaa heysta koox buuxda oo taam ah halka ay kooxda Arsenal waayi doonto xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Newcastle United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

 

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: St. James’ Park,

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Newcastle United, waxaana ay haatan Bar-barayn kartaa rikoorkeedii ugu guulaha dheeraa iyaga oo city ka badiyay 11 kulan oo xiriir ah sanadkii 1994 ilaa 2004.

 

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolal dhaliyey afartiisii ​​kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka PL. Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee shan gool oo isku xigta u dhaliya Arsenal ayaa ahaa Olivier Giroud.

Newcastle United ayaa celcelis ahaan heshay 1.73 dhibcood kulan kasta tan ilaa bilowgii sanadka 2018 marka la barbar dhigo 0.9 dhibcood oo ay heshay intii u dhexaysay bilowga xilli ciyaareedka iyo 31ka December waana dhibcaha ugu fiican ee ay koox ka hesho horyaalka premier League.

Magpies ayaa gaari karta guusheedii 4-aad oo xiriir ah horyaalka premier League markii ugu horaysay tan iyo markii ay ku guuleysteen shan jeer oo isku xigta bishii November 2014.

SAFAFKA SUURTAGALKA AH:

Newcastle:

Dubravka; Yedlin, Lascelles, Lejeune, Dummett; Shelvey, Diame; Ritchie, Perez, Kenedy; Slimani.

Arsenal:

Cech; Bellerin, Chambers, Mustafi, Kolasinac; Elneny, Xhaka; Ozil, Iwobi, Welbeck; Aubameyang.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip