Falanqeyn: Man United vs West Brom iyo wax walba oo aad uga baahantahay inaad ka ogaato.

0
Sunday April 15, 2018 - 12:30:34 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeyn: Man United vs West Brom iyo wax walba oo aad uga baahantahay inaad ka ogaato.

    Axad-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Manchester


Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhaweyneysa naadiga West Brom kulan ku tirsan Horyalka Ingiriiska Todobaadkiisa 34aad.

United ayaa maanka ku haysa guusha horaan ay gaartay kooxda City, waxay markale isku dayi doonaan sidii ay uga hor is taagi lahaayeen u dabaal daga Hanashada Premier League.

Dhanka kale, West Brom ayaa noqon karta kooxdii goo'aamin lahayd Horyalyalka hadi ay dhagta dhiiga u daraan United.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Man United Vs West Brom

 

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

 

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Manchester United ayaa doonaysa in ay gaarto guusheedii 6-aad oo xiriir ah tartanka premier League markii ugu dambaysay ee ay 6 kulan oo xiriir ah guul gaareen ayaa ahayd Janaury 2017.

Alexis Sanchez ayaa si toos ah ugu lug lahaa afar gool labadii kulan ee ugu dambeysay ee uu saftay, hal gool iyo 3 caawiye waana in ka badan 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka ah ee uu u soo ciyaaray United iyo Arsenal.

West Bromwich Albion ayaa laga badiyay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeysay ee ay booqdeen Manchester United, laakiin hal koox oo ku jirta booska ugu hooseeya horyaalka ayaa waligeed hal mar ku badisay waxana ay ahayd Blackburn Rovers sanadkii 2011.

Salomon Rondon ayaa dhaliyay 6 kulan oo kala duwan oo premier league ah xilli ciyaareedkan laakiin marna kooxdiisu guul may gaarin Waxa rikoorka ugu badan haysta Jordan Ayew kaas oo dhaliyay 7 kulan oo kala duwan laakiin ayna kooxdiisu guul gaarin.

SAFAFKA MACQUULKA AH:

Manchester United:

De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; Pogba, Matic, Rashford, Lingard, Sanchez; Lukaku.

West Brom:

Foster; Gibbs, Hegazy, Dawson, Nyom; McClean, Brunt, Livermore, Phillips; Rondon, Rodriguez.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip