
Mohamed Salah oo labo Rikoor oo waali ah ka sameeyay Premier League, Mid kamida Cristiano Ronaldo ayuu murug ku yahay!!
Axad-Liverpool
Xiddiga kooxda Liverpool iyo Xulka qaranka Maser Mohamed Salah ayaa weli ku jira qaab ciyaareed heer sare ah, isagoo sanadkaan uu u yahay mid u qaas ah maadaama uu Shabaqa daris la noqday.
Salah ayaa hada hogaanka u haya gooldhalinta Horyalka Ingiriiska isagoo sidoo kale Tartanka adag ugu jira Kabta dahabka ee Gooldhalinta Yurub.
Kadib kulankii Todobaadkan uu u ciyaaray Salah yaa sameeyay Labo Rikoor oo waaweyn, oo mid kamida mudo aan laga sameyn Horyalka Ingiriiska, waxaana uu hada Kabta la gashanayaa Cristiano Ronaldo oo rikoor cajiib sameeyay 10-sano ka hore.
Hoos Kaga Bogo Rikoorada Labada ah ee Mo Salah Todobaadkan:
1- Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Qaarada Africa kaas oo ka dhaliya 30-gool Horyalka Ingiriiska Hal sano.
2- Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Dhaliya 40-gool dhamaan tartamada isagoo ka ciyaaraya Horyalka Premier Leage, waxaana ugu dambeeysay Cristiano Ronaldo oo 42-gool dhaliyay dhamaan tartamada sanadkii 2008.
Mohamed Salah oo labo Rikoor oo waali ah ka sameeyay Premier League, Mid kamida Cristiano Ronaldo ayuu murug ku yahay!!
Axad-Liverpool