Hordhac: Malaga Vs Real Madrid iyo sheeko walba oo ku saabsan.

0
Sunday April 15, 2018 - 14:46:05 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Malaga Vs Real Madrid iyo sheeko walba oo ku saabsan.

    Axad-LaLiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-LaLiga


Real Madrid ayaa hoos ugu dhacday kaalinta 4-aad kadib bar-barihii ay garoonkeeda kula gashay kooxda Atletico Madrid laakiin guul ay ka gaaraan Malaga ayaa ku soo celin doonta kaalinta 3-aad.

Madrid ayaa nasin doonta qaar kamida Ciyaartooydooda muhiimka ah, iyagoo isku diyaarinaya kulanka Champions League ay la leeyahiin kooxda Bayern Munich Todobaadka dambe.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Malaga Vs Real Madrid

 

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

 

Garoonka: Estadio La Rosaleda

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Malaga ayaa kaliya badisay hal ka mid ah 33-dii kulan ee ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka La Liga waxana ay 3-2 uga badisay bishii December 2012, 32 kulan ee kale 24 Real Madrid ayaa badisay.

Kadib todobaadkii 31-aad ee horyaalka La Liga Real Madrid ayaan ku jirin 3-da kaalmood ee ugu sareeya horyaalka markii ugu horaysay muddo 10 sano ah.

Cristiano Ronaldo ayaa 17 gool ka dhaliyay 17 kulan oo uu la ciyaaray kooxda Malaga Horyaalka La Liga waxana uu 8 gool kaga dhaliyay garonkooda La Rosaleda.

Zinedine Zidane ayaan waligii guuldaro kala kulmin 4-tii kulan ee uu ka hor tagay Malaga isaga oo tababare ah 3 kulan wuu badiyay hal kalena bar-baro ayuu la galay, Real Madrid ayaa horyaalka ku guulaystay kulankii ay wada ciyaareen labada kooxood xilli ciyaareedkii hore.

SAFAFKA SUURTAGALKA AH:

Malaga:

Roberto; Rosales, Rolon, Miquel, Torres; Keko, Lacen, Iturra, Success; Rolan, El-Nesyri.

Real Madrid:

Navas; Achraf, Ramos, Varane, Theo; Casemiro, Kroos, Kovacic;Asensio, Benzema, Vazquez.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip